Joomla TemplatesWeb HostingWeb Hosting
Main Menu
Online visitors
We have 13 guests online
Iidheh & Ogeysiisyada

Joornaalka Soomaalida Nederland JSN

Wuxuu soo dhawaynayaa Soomaalida jecel in ay ku xayaysiistaan

  • Ganacsiyadooda
  • Adeegyada
  • Aroosyada
  • Dhalashada
  • Tacsiyadaha

In ay ku xayaysiisan karaan JSN

Halkaan noogu soo gudbi ama info@somculned.nl

Joornaalka Soomaalida ee Nederland

Xisbiga xargjirka ah ee PVV oo lagu haysto cida dhaqaale ahaan taageerto

JSN Jimco 27-Janaayo-2012: Xisbiga xagjirka ah ee ku naaxay Nacaybka Muslimka iyo Muslimiinta ee marka la soo gaabiyo magaciisa loo soo gaabiyo PVV ayaa lagu haystaa halka ay ka soo gasho lacagaha xisbiga, ka dib markii Nederland sha\rci cusub oo lagu talo jiro in uu dhaqangalo dhawaan marka la ansixiyo uu dhigayo in xisbi walba oo siyaasi ah wixii ka badan 4.500 Yuuro ay soo bandhigaan cida siisay macluumaadkooda.

Read more...

 

Safiirka Soomaalida u fadhiya Liibiya oo uga digay Soomaalida khatarta tahriibka badda

JSN Jimco 27-Janaayo-2012: Safiirka Soomaalida u fadhiya wadanka Liibiya Danjire: Cabdulqani Maxamed wacays ayaa mar uu ka qaybgalay munaasabad aas dad Soomaaliyeed oo ay badda kusoo caarisay magaalada Misrata ee Liibiya xeebteeda ku tilmaamay ayaan daro naxdin iyo murugo leh in dadka Soomaaliyeed ee tahriibayaasha ah ku dhamaadaan badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Read more...

 

Cartoon of the day : Is ma dhaanto iyo 3 dhuuni

 

Xisbiga Maxime Verhagen ee CDA oo 4600 xubno iskaga baxeen

JSN Khamiis 26-Janaayo-2012: Xisbiga majaraha wadanka hayo ee CDA ku xigeenka raisalwasaaraha  Nederland ee Maxime Verhagen ayaa waayey xubno dhan 4,600  oo horay uga tirsanaan jiray ka dib markii ay ka waayeen xisbiga sababihii ay u doorteen noqdayna mid usoo jeestay in uu sameeyo tashiil dhaqaale oo dadkii deganaa Nederland ka yaabiyey. Xisbigaan ayaa ah xisbi ku dhisan diinta masiixiga o

Read more...

 

11.658 baabuur oo laga xaday Nederland sannadkii tagay

JSN Arbaco 25-Janaayo-2012: Sannadkii la soo dhaafay ee 2011 waxaa laga xaday baabuur dhan 11.658 Nederland gudaheeda taasoo ay saaka shaacisay ururka ka hortaga dambiyada baabuurta de Stichting Aanpak Voertuigcriminaliteit (AVc). 2010 waxaa iyana la xaday baabuur dhan 11.733 baabuur ah.

Read more...

 

Shirkii u gogolxaarka London ee qurbojoogta UK ee Soomaalida

 

27 Midowga Yurub oo Iiraan cunaqabayn saliida iyo bangiyada ku soo rogay

JSN Isniin 23-Janaayo-2012: Wadamada midowga Yurub oo wasiiradooda arrimaha dibada shir ku lahayeen magaalada Brussel ayaa go'aansaday in ay cunuqabatayn  saliida iyo bangiga dhexe ee Iiraan laga bilaabo bisha 1 luulyo 2012. 27 ka wadan dhamaantood waxay go aansadeen in ay isku si wajahaan oo saxiixa ku wada duugeen in aysan oggolaan karin in Iiraan ay yeelato hubka nukliyeerka oo Iiraan lagu eedeeyey in ay ku mashquulsantahay samaynteeda

Read more...

 

Kenyan Troops killing refugees at Dadaab refugee camp

JSN Monday 23-01-2012: Kenyan Troops with the blessing of Dutch tax payers money is used to feed those troops killing innocent refugees and displaced persons, No matter your skin colour talk to your counciller or MP about this atrocities.This has got to stop.

 

Thomas Jefferson aabihii curiyaha Maraykanka oo Kitaab Quraan ah lahaa + Fiirso

JSN Isniin 23-Janaayo-2012: Bar ama Baro oo ah qayb ka mid ah joornaalka oo aan ugu soo bandhigno akhristayaasha macluumaadyo laga yaabo in aysan aqoon kuwaaso muhiim u ah in kobcinta bulshada ama qofka akhristaha.

Waxaan maanta halkaan kusoo bandhigaynaa in aabaha ama curiyihii wadanka Maraykanka Thomas Jefferson in uu lahaa kitaab Qur aan ah oo uu magaciisa ku saxiixanyahay taasoo laga yaabo in aysan kuu sheegin CNN iyo kuwa la midka ah.

 

Ciyaaryahan Robin van Persie oo awowgiis dhalashadiisii 91 u hambelyeeyay

JSN Isniin 23-Janaayo-2012: Ciyaaryahan Robin van Persi oo ah Nederlandees u ciyaara kooxda Arsenal ayaa wuxuu ku martiqaaday awowgiis Wim Ras oo uu bartay markuu jiray 70 sanno ka horna ayan is aqoon waa mudo hadda laga joogo 21 sanno. Robin ayaa ciyaar xiiso leh oo ay isaga hor yimaadeen kooxdiisa Arsenal iyo Manschester oo uu halkaas ku dhaliyey gool bar baro ka dhigay oo uu golkaan u hibeeyey awowgiis Wim Ras oo ciyaarta fiirsanayey oo uu funaanadiisa hoose ku qoray dhalasho wacan awoowe dhalashadaada 91 aad

Read more...

 

Ururka Duuliyayaasha Nederland oo ka digay kororka shaqada duuliyayaasha ay keeni karto nabadgelyo xumo

JSN: Isniin 23-Janaayo-2012: Ururka u ololeeya duuliyayaasha Nederland ayaa ka digay kororka shaqada duuliyayaasha Nederland ee ay shirkadaha diyaaradaha oo ay ugu weeyn tahay KLM in ay mudan tahay in wax laga qabto sababtoo ah duuliyayaasha waxaa looga baahanyahay in ay duullaan waqtiga habeenkii 11 saacadood oo aan goos goos lahayn taasoo ay ku tilmaameen in ay keeni karto dhibaato xagga nabadgelyada, iyadoo uu sharciga dhigayo in ay duulaan oo kaliya 10 saacadood, halka Maraykanka ay ka tahay 9 saacadood.

Read more...

 

Nedeland iyo ka ganacsiga khashinka Yurub

JSN Axad 22-Janaayo-2012: Nederland ayaa wasiirkeeda degaanka uga dhawaaqay magaalo madaxda Jarmalka ee Baarliin in ay kula heshiiyey khashin dhan 200,000 tan lagu gubo Nederland warshadaheeda lagu gubo khashinka iyagoo laga dhaliyo korontada islamarkaana ganacsi ahaan dhaqaale ka soo galo. Sannadkii la soo dhaafay khashinka magaalada Naboli ee Talyaaniga oo uu buux dhaafiyey Naaboli in lagu gubo Nederland ay Talyaaniga kula heshiisay in maraakiib lagu soo qaado oo Nederland lagu gubo.

Read more...

 

Raisalwasaaraha Nederland Mark Rutte oo usoo jeediyay Israaiil in ay joojiso dhismaha dhulka reer Falastiin

JSN Axad 22-Janaayo-2012: Raisalwasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu oo booqasho rasmi oo labo maalmood ku yimid Nederland oo hadafkeedu ahaa sida lagu shaaciyey saxaafada Nederland sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo labada wadan Nederland iyo Israaiil uu u sheegay Mark Rutte R/wasaaraha Nederland in ay Israaiil joojiso dhismayaasha cusub ee ay Israaiil siinayso oo ay guryaha uga dhisayso Yuhuuda cusub dhulka ay xooga uga qabsatay Falastiin si dib loogu bilaabo wadahadalada nabada ee Falastiin iyo Israaiil.

Read more...

 

Kororka beeraha Nederland oo kordhay 9 %

JSN Axad 22-Janaayo-2012:  Warbixin ay soo saartay hay ada tirakoobka Nederland ee loo yaqaan marka la soo gaabiyo CBS ayaa sheegtay in ay korortay dhoofinta hilibka xoolaha, khudaarta, khudrada iyo ubaxa 9 % oo u dhiganta lacag dhan 73  Bilyan oo Yuuro, taasoo Nederland ka dhigayso wadanka labaad Maraykanka ka dib.

Read more...

 

Laura Dekker oo ku guulaysatay in ay adduunka kaligeed doon kusoo marto

JSN Axad 22-Janaayo-2012: Laura Dekker oo ah gabar Nederlandees ah oo 16 sanno jirto ayaa ku guulaysatay in ay adduunka ku soo marto doon nooca shiraaca leh ee loo yaqaan Yatch oo ahayd mid ay ku hamin jirtay iyadoo jirta 14 sanno mudo hadda laga joogo labo sanno. Laura ayaa waxaa dhibaato ka qabsatay hay ada daryeelka carruurta Nederland oo maxkamad la kortay iyagoo ku andacoonaya in da deeda oo yar aawadeed aysan ka bixi karin safar ay kaligeed ku marto badwaynta adduunka.

Read more...

 

Maxsuulkii aftidii joojinta jaadka oo la soo afjaray

JSN Sabti 21-Janaayo-2012: Waxaan afti ka qaadnay akhristayaasha joornaalka Soomaalida ee Nederland fikrad ku saasbsan joojinta jaadka oo ay ka dhiibteen fikradooda sida soo socota :-

Read more...

 

Bill Gates oo sheegay in uu dadka adduunka la yareeyo, faalo maqal iyo muuqaal

JSN Sabti 21-Janaayo-2012: Curiyihii shirkada samayso barnaamijyada ay ku shaqeeyaan kombiyuutarada ee loo Microsoft Corporation oo ay dad badan iyo kombiyuutaro badan loo isticmaalo oo luqada khalaad lagu yiraa operating system marka la soo gaabiyana loo qoro  OS oo aan ku fasiray hagaha hagaha barnaamijka uu ku shaqeeyo kombiyuutarka. Mudane BIl Gates ayaa dhawaanahaan waxaa lagu eedeeyey in uu ku jiro talaabooyin ka dhan shucuubta dunida 3aad ku dhaqan oo ay Soomaalida ka mid tahay in uu ku talo jiro in uu dadka ku laayo talaal cusub oo isaga maalgeliyo isagoo dan leh in uu ku yareeyo dadka dhalanaayo oo ku sheegay in  adduunka uusan awoodin in uu quudiyo dadka tirada ka sii badanayo 6.8 bilyan kor u dhaafay

Read more...

 

Diva Oprah Winfrey oo Taj Mahal tagtay iskuna sawirtay

JSN Sabti 21-Janaayo-2012: Haweeneyda la yiraa Oprah Winfrey oo ay dad badan ku yaqaaniin bandhiga telefishinka ay ka soo bandhigi jirtay iyadoo joogta wadanka |Maraykanka ay tagtay Taj Mahal ee Indiya iskuna soo sawirtay nasiib daro iyadoo cidkale aysan ka ag muuqan oo xitaa eygii ay lahayd uusan la socon, tani waxay ku tusaysaa in dhaqaale badan uusan xalin karin dhibaatooyinka adduunka jira oo cidii Illaah u wanaajiyo ay u wanaagsantahay cidii uusan u hagaajina warkeed daa.

Read more...

 

Dowlada Nederland oo ka digtay safarka Itoobiya

JSN Arbaco 18-01-2012: Dowlada Nederland wasaaradeeda arrimaha dibada ayaa wax ka badashay taladii ay ka bixin jirtay safarada lagu aado wadanka Itoobiya ka dib markii lagu dilay shan dalxiisayaal ah gobolka cafarta degto ee Itoobiya

Read more...

 

Xisbiga Liberaalka ee VVD oo dood /firkad cusub shuruud ku xiray in la qaato Cayta

JSN KHamiis  20-1-2012 Dhawaan waxaa soo jeediyay xisbiga talada dalka wax ka maamule ee dowlada ku dhisan xisbiyada xulufada ee VVD,CDA iyo PVV in lagu soo rogo sharci cusub oo ku wajahan dadka ajnabigaee ka codsanaya cayrta nooceeda loo yaqaan afka Nederlandeeska Bijstand oo cidii codsanayso lagu xiray in uu ku hadlo luqada Nederlandeeska. Fikradaan waxaa ku raacay xisbiyada kale oo ay isku garabka yihiin.

Read more...

 

Natanyahu iyo Uri Rosenthal oo kulmay

JSN Arbaco 18-Janaayo-2012: Waxaa maanta kulmay raisalwasaaraha Benjamin Netanyahu ee Israaiil iyo wasiirka arrimaha dibada ee Nederland mudane Uri Rosenthal. Natanyahu ayaa booqasho labo beri ah ku jooga Nederland. Labada shaqsi oo isku sinji ah ayaa ka dhigayso mid taariikhi ah iyadoo labada shaqsi oo kala matalayo Nederland iyo Israaiil labadaba ay yihiin isku dad hadana ay isku soo qaadeen arrimo la xiriira bariga dhexe iyo xaalada reer Falastiin

Read more...

 

Shaqo la'aantii ugu badnayd 17 kii sanno ee la soo dhaafay Ingiriiska

JSN Arbaco 18-Janaayo-2012: Shaqo la'aanta boqortooyada midowday ee Ingiriiska ay gaartay halkii ugu sareysay 17 kii sanno ee la soo dhaafay oo gaaray 8.4 % iyadoo shaqo la'aanta november 2011 ay ahayd 2.6 malyuun oo shaqo laawayaal ah. Waxaa warbixintaan soo saaray xafiiska tirakoobka ee wadanka Ingiriiska

Read more...

 

Qaxootigii iska dhiibayey Nederland oo yaraaday

JSN Arbaco 18-Janaayo-2012: Warbixin maanta lagu shaaciyey saxaafada Nederland ayaa sheegtay in 13 % ay hoos u dhaceen dadkii magangalyada soo weydiisan jiray  Nederland iyadoo loo aaneynayo kabineetka dowlada xulufada ku dhisan ee Nederland oo Raisalwasaare Mark Rutte ee xisbiga liberaalka VVD hogaamiyo ay kula heshiiyeen xisbiga xagjirka ah ee kaligii taliye Geert Wilders oo shaqo ka dhigtay in uu wixii xunba minooratiga dusha u saaro haba ugu daarnaadaan Muslimiinta. in la yareeyo dadka ka yimaado wadamada Muslimiinta oo uu cabsi ku riday dadka Nederland oo aan Muslimka ahayn isagoo ku sifeeyey in ay yihiin mowjada qaadi karto in ay la wareegeen Nederland.

Read more...

 

Muxaadarada Maanta DHAQANKA DA'YARTA KU NOOL QURBAHA SH. MAXAMED RASHAAD

JSN Talaado 17-Janaayo-2012

 

Xisbiga Shaqaalaha PVDA Breda soo jeediyay in dadka qaata cayrta loo oggolaado in dayn waxbarasho la siiyo

JSN Talaado 17-Janaayo-2012: Xisbiga shaqaalaha  ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan PVDA in loo oggolaado dadka qaata lacagta cayrta ee ee ku jira liiska shaqo la'aanta in fursad loo siiyo in ay qaadan karaan lacag dayn ah oo ay wax ku baran karaan taasoo ka kaalmayn karta in uu qofku sameeyo waxbarasho xagga shaqada ka caawini karto.

Read more...

 

Hay ada HRW oo ku eedeysay Keenya kufsi iyo xadgudub ka dhan ah qaxootiga Soomaaliya

JSN Talaado 17-Janaayo-2012 Hay ada Human rights Watch ayaa ku eedeysay ciidamada Keenya in ay ku hayaan xasuuq iyo jir dil iyo kufsi haweenka ah Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka ku xeeran xadka Keenay iyo Soomaaliya oo ay kaga warantay warbixin ay soo saartay ku sheegtay in lala beegsado dadka Soomaalida ah iyo qaxootiga oo ay dowlada Keenya inta ay ku weerarto diyaarado dagaal oo shicibka lagu laayo cid ka hadashana aysan jirin. Keenya marar badan ayay sheegtay in ay baari doonto balse ay dhagaha faraha ka gishatay. Dowlad isku sheega Soomaaliya iyada warkeed daa oo cid wax ka tiraahdo ma jirto, bulshada caalamkana sidoo kale waa ay ka aamuseen.

Read more...

 

Ciyaaryahan Robin van Persie oo booqdayR/wasaaraha Ingiriiska

JSN Talaado 17-Janaayo-2012:  Ciyaaryahanka Robin van Persie ayaa shalay Isniin 16-01-2012 ka qaybgalay sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay curintii Street League oo loogu talagalay in uu dhalinta ka caawino kubbada cagta iyo waxbarashada. Robert van Persie  wuxuu xagga weerarka uga ciyaaraa kooxda Arsenal ee wadanka Ingiriiska

 Raisal wasaaraha Ingiriiska David Cameron iyo Robin Van Persie 10 downing street London

Read more...

 

Shirkada Abelllio oo lagu eedeeyey in ay shaqaala jaban Poland ka keensato iyadoo ka heli karto Ingiriiska

JSN Talaado 17-Janaayo-2012:  Shirkada la yiraa Abellio oo fidisa adeega basaska wadanka Ingiriiska oo ay saami ku leedahay sharikada tareenada ee Nederland ee loo yaqaan NS ayaa lagu eedeeyey in iyadoo heli karta in ay shaqaalaha looga baahanyahay wadanka Ingiriiska marka hore hubiso in ay ka heli karto wadanka Ingiriiska oo ah heshiiska lagu siiyey shatiga in ay ka shaqaysato wadanka Ingiriiska ayaa ku guuldaraysatay in ay fuliso oo lagu haysto in ay shaqaale jaban ka doonatay wadanka Poland.

Read more...

 

R/wasaare Mark Rutte oo sheegay in 2012 noqon doono mid adag

JSN Axad 15-janaayo-2012 : Waraysi uu siiyey raisal wasaaraha Nederland Mudane Mark Rutte TVga Buitenhof  maanta ayuu ku sheegay in sannadka 2012 uu qofwalba uu dareemi doono busaarada tashiilka dhaqaale ee Nederland oo horay u shaacisay in ay tashiil dhaqaale ku dhawaaqday taasoo saamayn ku samaysay adeegyo badan oo ay dowlada Nederland siin jirtay shacabka Nederland.

Read more...

 

AQBAARIHII UGU MUHIIMSANAA TODOBAADKII TAGAY

JSN SABTI 15-JANAAYO-2012: Todobaadkii tagay waxaa ugu muhiimsanaa arrimaha siyaasada Nederland xisbiga xagjirka ah ee kaligii taliye Geert wilders oo sidii horay loogu yiqiinay sameeyey labo fadeexo oo ay ku guuldaraysteen xisbigaan cunsuriga ah ee PVV.

Read more...

 

Baasaboorka ganaaxi dadka uu ka lumo la ganaaxi jiray oo lajoojin doono

JSN Sabti: 15-Janaayo-2012: Dadka uu ka lumo baasaboorka/teesaraha  oo horay loo ganaaxi jiray Nedeland baaritaana lagu samayn jiray ayaa waxaa la sheegay sida lagu shaaciyey joornaalada Nederland in la joojiyey ganaaxa lacagta sida ay wasiiirka wasaarada arrimaha dibada ee Nederland Liesebeth Spies oo dhawaan jagadaan ku wareegtay sheegtay. Wasiirada waxay sheegtay in ay sharcigaan wax ka badali doonto lana soo afjari doono samarka 2012

Read more...

 

Adduunka oo isku si u wada dhibaataysan

Ma is weydiisay  Su aalaha soo socda : Tusaale haddii uu qof dhaco bangi lana qabto xagee la geynaa dabcan  Xabsiga, Ka waran haddii bangiyada lacagta dadka xadaan  Xagee ayay aadayaan  dabcan waxaa la siinayaa abaalmarinta loo yaqaan  BONUS.

IF YOU A ROB A BANK  YOU GO TO JAIL, HOW ABOUT IF BANKS ROB PEOPLE'S MONEY THEY GOT BONUS AND YOUR GOVERNMENT BAIL THEM OUT  : THIS IS A DEMOCRACY  AT WORK IN EUROPE AND USA. I MIGHT GET IN TO TROUBLE BY TELLING YOU THIS.

I AM NOT A WALL STREET BANKER. JOIN ME FOR MORE

 

Nederland oo muwaadhiniintooda uga digtay Taayland[Thailand] cabsi argagixiso aawaadeed

JSN Jimco 14-Janaayo-2012: Dowlada Nederland wasaaradeed arrimaha dibada  ayaa kula talisay in ay ka feejignaadaan meelaha la isugu soo baxo wadanka Taayland[Thailand] Bangkok ka dib markii ay ka digtay safaarada Maraykanka ee Taayland[Thailand] in ay hayaan warar lagu kalsoonyahay oo sheegay in weerar la la damacsanyahay meelaha dalxiiska loo tago.

Read more...

 

Ma ogtahay Dakhliga ka soo galo jaadka Nederland ? + Fiirso muxaadarooyin

 

JSN Jimco 13-Janaayo-2012: Akhristoow waxaa hubaal ah in dhibaatada jaadka uu leeyahay cidwalba ay ka dheregsantahay dhinacyada dhaqaalaha, caafimaadka iyo akhlaaqda. Waxaa mudo socday wadahadalo iyo baaritaano heer sare ah oo lagu sameynayey saaamaynta uu jaadka ku leeyahay shicibka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nederland iyo dhibaatada uu keeni karo haddii aan wax laga qaban. Waxaa ay noqotay maxsuulkii baaritaanadii la sameeyey in dhibaatada uu leeyahay ay ka badan tahay faaiidada laga helayo ka dibna qaybtii labaad ee baaritaanka la galay taasoo looga gol lahaa xaguu jaadka ka galaa maandooyiyaaalka adduunka ?

Read more...

 

Daafaca Chelsea John Terry Oo Sheegay In Uu Ka Soo Kabtay Dhaawacii Soo Gaaray Dhawaan.

Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa qaboojiyey cabsi laga qabay dhaawac dhowaan ka soo gaaray jilibka waxana uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in uu safan karo kulanka Sabtida ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Sunderland. Terry ayaa jilibka midgeed ku dhufsaday birta goolka isagoo doonayay in uu goolka difaaco kulankii Axada ee FA Cup kooxda Chelsea la ciyaartay Portsmouth.

Read more...

 

Venal TFIs leaders shouldn’t be allowed to privatize Somalia’s sovereignty

JSN 2012-01-12 Todays  Story Should we allow the two Sharifs to privatise a failed stated with no mandate


After seven years, the Transitional Federal Institutions (TFIs) that formed the Transitional Federal Government of Somalia (TFG) have irreversibly morphed into the property of three venal leaders used by foreign powers, particularly Ethiopia. Today, TFI leaders speak and act only for compliance with foreign power dictates and for their personal political interests. In Q & A session moderated by Universal TV in collaboration with the Center for Research and Dialogue (CRD),1 President Sheikh Sharif tried to justify this contemptible situation and stated that the United Nations Political Office for Somalia (UNPOS) did not consult with TFG on the Roadmap and did not give time to review the list of participants of the conference.

Read more...

 

Ruushka oo ka digay in la weeraro Iiraan ay cawaaqib xumo iyo dhiilo colaad leh keeni karto dhaawacdo xasiloonida iyo nabadgelyada adduunka

JSN Arbaco 11-Janaayo-2012:  Dowlada Ruushka ayaa ka digtay in la weeraro wadanka Iiraan ay keeni karto cawaaqib xumo wax u dhimi karta  nabadgelyada adduunka qaasatana khaliijka Carabta oo saliida adduunka nuskeed ka imaato oo dhaqaalaha adduunka uu ku tiirsanyahay. Iyadoo hadda adduunka uu ku jiro busaarada dhaqaale xumo, nabadgelyo iyo kacdoono galaaftay wadamo badan oo bariga dhexe iyo waqooyiga |Afrika dowladahoodii

Read more...

 

Magaalooyinka Tilburg iyo Uithoorn Nederland oo soo dhaweeyey qorshaha lagu mamnuucayo khaadka

JSN Talaado 10-Janaayo_2012: Magaalooyinka Tilburg iyo Uithoorn ayaa soo dhaweeyey qorsha dowlada Nederland ay ku mamnuucayso khaadka Waxaa soo dhaweeyey dowladaha hoose magaalooyinkaan oo dhib ku qabay jaadka iyo dadka isticmaalo oo Soomaali u badan.

Read more...

 

Nederland oo gaaskii ugu badnaa laga helay

JSN Isniin 06-01-2012: Nederland ayaa laga helay gaaskii ugu badnaa ilaa sannadkii 1995 oo ahayd markii ugu danbaysay ee la helo gaas u dhigma kan hadda oo ka badan. Gaaskan ayaa waxaa laga qoday ceel dhirirkiisa gaarayo 3900 meter iyadoo la isticmaalay tiknoolajiyo cusub oo ah qalabka lagu duleeliyo marka la qoday ceelasha gaaska iyo batroolka dhulka hoostiisa. Waxaa la bilaabay qoditaanka ceelkan bilihii Agoosto iyo Oktoobar sannadkii la soo dhaafay ee 2011. Waxaa gaaska laga helay gobolka Friesland

Read more...

 

Ciyaaryahanka Robert van Persie oo Maradona ku booqday Dubai

JSN Isniin 09-Janaayo-2012:

Ciyaaryahanka Robert van Persie oo ku jooga booqasho fasax ah Dubai ayaa ku booqday ciyaaryahanka weeyn Maradona oo tababare u ah kooxda  Al Wasi ee wadanka Imaaraadka Carabta. Van Persie oo booqasho ku jooga magaalada Dubai isaga iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa ay booqdeen mar uu tababar u socday kooxda Al Wasi oo Maradona tabaabare u yahay.

Read more...

 

Man Utd Oo Etihad Stadium Ku Dubatay 10 Ciyaaryahan Oo Man City Ah, Una Gudubtay Wareega 4aad Ee FA Cup..

 

Kooxda Manchester United ayaa natiijo ciriiri ah kaga gudubtay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City kulan ay 3-2 kaga badiyeen Sky Blue oo ka dhacay Etihad Stadium, waxaana ay u soo gudbeen wareega 4aad ee koobka FA Cup.Manchester United ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 10aad iyadoo Wayne Rooney uu ugu furay kubad madax aheyd, waxaana labo daqiiqo ka dib kooxda City casaan muran uu ku jiro ka qaatay kabtankooda Kompany oo qalad ku galay Nani.Casaanka ay qaadatay City ayaa keentay in Manchester United ay labo gool kale dhaliyaan ka hor xilliga nasashada,

Read more...

 

Henk Kamp oo cadaadis saari doono dadka qaata caryta

JSN Axad 08-Janaayo-2012: Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee Nederland mudane Henk Kamp ayaa mar lagu wareestay qaanad ka mid ah telefishinada ee loo yaqaan Buitenhof sheegay in uu cadaadis hor leh saari doono dadka qaata cayrta oo nus malyuun hadda maraya kuwaasoo culays ku haya dhaqaalaha Nederland oo soo foodsaartay dhibaato dhaqaale iyo tashiil lagu sameeyey.

Read more...

 

Henk Kamp oo loo doortay Mid aan bulshaawi ahayn

JSN Axad 08-Janaayo-2012: Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee Nederland mudan Henk Kamp ayaa loo doortay ninka ugu xun sannadka 2012 ka dib markii afti laga qaaday dhalinyaro xisbiga SP ay u doorteen the Aso van het jaar. Nin aan bulshaawi ahayn oo u daran bulshada Nederland. Aftida la qaaday ayaa waxaa ka qaybqaatay 1.500 dhallinyaro  ah.

Read more...

 

Shilkii ugu xumaa ee tareen oo dhacay 08-01-1962

JSN Axad 08-Janaayo-2012: Maanta oo ah maalin Axad ah 8 janaayo 2012 ayaa waxay ku aadan tahay mudo laga joogo 50 sanno[08-01-1962], ka dib markii ay fool ka fool iskugu dhaceen labo tareen oo kala yimid  tariin kuwa dheereeya ah (Leeuwarden-Roterdam) iyo mid kuwa gaabiyo ah oo meelo badan istaago ee loo yaqaan  Stoptrein (Rotterdam-Gouda-Amsterdam) waxaa jiray ciryaamo xun oo aragtida yaraysan ay iskula dhaceen Harmelen Woerden.

Read more...

 

Boqorada Nederland oo booqasho rasmi ah ku joogta Abu Dhabi booqatayna masaajid

JSN Axad 08-Janaayo-2012: Boqorada Nederland Beatrix oo ay weheliyaan wiilkeeda dhaxalsugaha jagada boqortooyada Willem Alexander iyo xaaskiisa Maxima ayaa booqasho rasmi ah ku jooga wadanka Iimaaraadka Carabta ee midoobay magaaladiisa Abu Dhabi oo ay booqasho ku tageen kana qaybqaateen furitaanka masjidka weeyn ee loogu magac daray Sheeyq Zayid oo ah aabihii iyo aabuurihii Iimaaraadka Carabta oo uu khabtrigiisana isla masaajidka ku yaalo

Read more...

 

Fatahaadii biyaha dabaylihii duufaanta iyo roobka watay oo yaraaday

JNS Axad 08-Janaayo-2012: Waxaa todobaadkii lasoo dhaafay ku dhuftay Nederland dabaylo wata roob oo duufaan ah oo gaarayo xawaara gaarayo 100 ilaa 120 km saacadii oo sababtay dad gaarayo ilaa 800 qofood laga daadgureeyo tuulooyin ay ka daganaayeen Groningen in ay dib ugu noqdeen tuulooyinkii ay daganayaayeen ka dib markii ay yaraadeen dabaylihii watay roobka iyo duufaanta, inkastoo kanaalada qaarkood il gaar ah lagu hayo iyadoo laga cabsi qabo in ay fatahaan

Read more...

 

Macalin Dabaasha oo carruur uu faraxumeeyey magdhaw la siinayo

JSN Axad 08-Janaayo-2012: Macalin dabaasha bara carruurta oo lagu xukumay lix sanno oo xarig ah ka dib markii lagu helay danbi ah in uu faraxumeeyey 64 carruur oo lagu aaminay oo uu macalin dabaasha u ahaa

Read more...

 

Boqorada Nederland Beatrix oo jabisay rikoorka Safarka

JSN Jimco 06-01-2012: Boqorada  wadanka Nederland Beatrix oo dhawaan u kicitimi doonta safarkeedii 50 aad ee ay ku aadi doonto wadanka Imaaraadka Carabta  Abu Dhabi waxaa safarkeeda ku wehlin doono wiilkeeda lehna dhaxalka boqortooyada Willem Alexander iyo xaaskiisa Maxima, waxaa shaaciyey joornaalka la yiraa Telegraaf oo maalinle ah kana soo baxa Nederland.

Read more...

 

Somaalidii ku banaanbaxday Xarunta qaxootiga Ter Apel Fiirso

JSN: 2012-01-06: Soomaali gadoodsan ayaa bishii la soo dhaafay ee december 2011ka dhigay banaanbaxay uga dhisteen teendhooyin ay ka dhisteen xarunta lagu qaabilo qaxootiga ee Ter Apel halkaas oo ah meel ku caan ah qaboow dabaylo iyo roob oo ku taal gobolka Groningen. Ayaan daro cid Soomaali ah oo ka tirsan ururada ka dhisan wadanka Nederland wax taageero ah kama gaysan oo Soomaalida waxaa Illaah ku caymiyey hay ad la yiraa Inlia

Read more...

 

Soomaalida Nederland iyo sannadka 2012

JSN Jimco 07-01-2012: Iyadoo ay jiraan busaarad iyo tashiil dhaqaale oo ay dowlada Nederland ku dhawaaqday taasoo gaarayso lacag dhan 18 milyaardi in ay dowlada xulufada ah ee ka kooban xisbiyada  VVD,CDA iyo xisbiga xagjirka ah ee shaqada ka dhigtay nacaybka cidii aan cadaan ahayn ayaa waxaa lagama maarmaan ah in aan bulshada Soomaaliyeed ee Nederland isku dayno in aan marwalba wargelino xaalada uu wadanka ku suganyahay dhinacyo badan. Riix halkaan si aad fikradaada u dhiibato

Read more...

 

Gobolka Friesland oo fatahaad cabsi looga qabo

JSN :Jimco 07-01-2012: Ayaamahan danbe wiixii ka danbeeyey dabayaaqadii sannnadkii tagay ee 2011 iyo bilowga 2012 waxaa bilowday duufaano dabaylo iyo roob  xawaara badan ku socdo ay keeneen in ay timaado cabsi laga qabo in ay fatahaan biyo xireenada meelo ka mid ah waqooyiga gobolada Nederland qaasatan Groningen, Dronten iyo Friesland oo qarka u saaran inay biyo kusoo fatahaan.

Read more...

 

Madaxweynihii hore ee Masar oo ay maxkamad armartay in dil lagu xukumo

JSN Khamiis 05-01-2012: Madaxweynihii hore ee Masar mudane Xusni Mubaarak oo wadanka Masar ka talinayay mudo 30 sanno ah ayaa xaakim maxkamad ku taal xarunta wadanka Masar amartay in lagu xukumo dil isaga iyo wasiirkiisii hore ee arrimaha gudaha iyo biliiska ka dib markii lagu soo eedeeyey in uu ka danbeeyey bixiyeyna amarka lagu dilay dad gaarayo 660 qof iyo 6000 dhaawac ah. Xusni Mubaarak oo 83 jir ayaa lagu keenaa maxkamada sariir sababo la xiriir xanuun hayo iyo waayeelnimada ku habsatay

 

Read more...

 

Duufaano wato dabaylo iyo roob oo laga digay Akhriso

JSN Khamiis 06-01-2012 Dufaano wata roob iyo dabaylo xowli badan ku socdo ayaa hay ada saadaasha hawada ee Nederland ee loo yaqaan marka la soo gaabiyo KNMI ay ku sheegay in ay biyo xaydaabyada gobolada Noord Holland iyo Groningen dad beeraleey ah laga daadgureeyey iyadoo cabsi laga qabo in ay fatahaan

Read more...

 

Midowga Yurub oo isku raacay in shidaalka Iiraan la cunaqabateeyo

JSN: Khamiis 05-01-2012: Ayaamahan danbe waxaa socday wadahadalo uu Faransiiska iyo Maraykanka hormuud u yahay oo ay usoo jeediyeen xulafadooda midowga Yurub iyo gaashaanbuurto Naato oo lagu wado in cunaqabayn hor leh lagu soo rogo wadanka Iiraan taasoo keentay in sicirka saliida uu cirka isku shareeray taaso u daran shicibka una fiican maalqabeenka xooloohooda galiiyey saliida cayriin oo haddii yididiilo dagaal yimaado sicirka saliida kor u kici doono taasoo ay ku heli doonaan faaiido badan.

Read more...

 

Man City Oo Keli Ku Noqotay Hogaanka Premier League Ka Dib Markii Ay Ka Talaabsadeen Liverpool.

Read more...

 

Gurbaan tumka dagaal hor leh oo Iiraan lagu qaado

JSN Talaado 03-12-2012: Waxaa soo ifbaxayo gurbaan tumash hor leh oo la rabo in dagaal loogu qaado wadanka Iiraan oo ay hormuud u yihiin Faransiiska oo dar dar hor leh la yimid wixii ka danbeeyey markii uu qabtay majaraha wadanka Faransiiska Madaxweyne Nikolas Sarkozy oo dar dar hor la yimid oo ku dhisan boob iyo bililiqo lagu sameeyo wadamada dunida 3aad oo badanaa lacagaha u yaal bangiyada Faransiiska inta la xanibo lagu shaqaysto iyadoo wax saami ah la siin.

Read more...

 

Dufaano dabaylo wata oo laga digay in laga feejignaado

JSN Talaado 03-12-2012: Duufaano dabaylo wata oo xawaarahooda gaarayo 100 ilaa 120 km ayaa hay ada sadaasha hawada ee Nederland uga digtay dadka in ay ka feejignaadaan qaasatan dadka ku nool dhinaca badda waqooyi iyo baabuurta isticmaalayso ay si taxadir ah uga feejignaadaan duufaanta dabaylaha wato iyo roobka

Read more...

 

Labada Shariif iyo hagardaamada xukun jacaylkooda oo la eeday

JSN Talaado 0312-2012: Qoraalka maanta wuxuu ku saabsanyahay  ra'yiga dadweynaha iyo walaaca ay ka qabaan dhulkii hooyo dadka Soomaaliyeed meel kastooy adduunka ka joogaan ha noqdaan kuwa wadanka ku dhibaataysan, kuwa qaxooti ku ah gudaha iyo dibada Soomaaliya.

Kuwa tahriibayaal ah oo markii ay u adkaysan waayeen dhibaatada iyo tacadiga batay doorbiday in ay iska tahriibaan oo ay naftooda biimeeyaan. Dad badana ay yiihiin tahriibayaasha naftooda soo biimeeyay oo khatar badan u soo galay in ay iimaadan halka ay ku sugan yihiin maanta.k

Maxaa la gudboon shicibka Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha qaasatan Nederland ?

Halkaan kusoo gudbi fikirkaaga

 

Waa socotaa ..........

 

Dagaalkii Ciraaq 2003 oo ay ku dhinteen 162,000

JSN Talaado 2012-01-03: Hay ad aan dowli ahayn oo Ingiriis ah oo la yiraa Iraq Body Count oo micnaheedu yahay tirinta maydka |Ciraaq ayaa waxay ku sheegtay in dagaalkii xaqdarada ah ee aan xaqiiqda ku dhisnayn ee laga been abuurtay ay ku dhinteen 162.000 qofood oo 79 % ay ahaayeen dad rayid ah oo aan dagaalka wax shaqo ah ku lahayn.

Read more...

 

Gegigda Schiphol Amsterdam oo gashay kaalinta 4aad Yurub 2011

JSN Talaado 2012-01-03: Gegida diyaaradaha soo caga dhigtaan ee magaalada Amsterdam ee Nederland ee loo yaqaan Schiphol ayaa gashay booska afaraad ee gegooyinka diyaaradaha ee Yurub oo ay horay u haysatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Madrid ee Spain.

Read more...

 

Roma Oo U Qabatay Daniele De Rossi Ilaa Dhamaadka Bishan Inuu Ku Saxiixo Heshiiska Cusub.

Roma ayaa ka dalbatay inuu Daniele De Rossi qalinka ku duugo ka hor dhamaadka bishan Janaayo. Ciyaaryahanka khadka dhexe De Rossi ayaa wadahadalo uu heshiiska ugu cusbooneysiinayo kula jiray madaxda kooxda Roma ilaa xagaagii hore, iyadoo uu qandaraaskiisa dhacaya bartamaha sannadkan. Laakiin kooxda iyo ciyaaryahanka ayaa weli isku afgaran la’ mushaharka uu dalbanayo.Giallorossi ay la rumeysan yahay inay u soo bandhigtay mushahar ka agdhow mushaharkiisii hore, balse ay la socdaan lacago dheeri ah oo ku xiran qaab ciyaareedkiisa, taasoo hadii uu qaato gabi ahaanba ay isku gaareyso sannadkii 6 milyan euro.Si kastaba, waxaa la dareensan yahay in De Rossi uu doonayo inuu qaato 6 milyan euro balse aan lagu xirin lacagtaas qaab ciyaareedkiisa.

Read more...

 

Kooxda Benfica Oo Heshiiska U Kordhisey Ciyaaryahankeeda Javier Saviola.

Kooxda Benfica ayaa heshiiska uu kula joogayo ciyaaryahanka reer Argentine mudada u kordhisey isagoo la sii joogi doona tan iyo xagaaga sanadka 2013ka. Ciyaaryahankan ayaa la sii joogi doona ugu yaraan hal xilli ciyaareed kadib markii ay go’aansatay kooxda inay cusbooneysiiso heshiiska shaqsi ahaaneed. Benfica ayaa waxa ay heshiis la gaartay Javier Saviola kaasoo u oggolaanaya in uu laacibkan ka soo jeeda dalka Argentine uu hal xilli ciyaareed la sii joogi doono garoonka Estadio da Luz.

Read more...

 

Ciyaaryahanka Kooxda QPR Adel Taarabt Oo Loogu Yeeray Xulka Dalka Marocco.

 

Read more...

 

Santi Cazorla: Real Madrid Waa Kooxda 2aad Ee Ugu Fiican Adduunka, Barca Kaliya Ayaa Ka Horeysa.

 


Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Malaga Santi Cazorla ayaa ka hadlay fekerkiisa ku saabsan in Real Madrid ay tahay kooxda labaad ee adduunka ugu fiican, kaliyana Barcelona ay ka horeyso.Kooxda Malaga ayaa habeen danbe waxaa ay geesaha isgelin doonaan Madrid kulanka lugta hore ee Copa del Rey,

Read more...

 

Weeraryahanka Manchester United Federico Macheda Oo Si Amaah Ah Ugu Biiray Kooxda QPR.

 

Read more...

 

Sanad wanaagsan 2012

Dhammaan Aqristayaasha Joornaalka Soomaalida Nederland, waxaan idin leennahay Sanad wanaagsan, Mid kheyr qaba ilaahey hanooga dhigo, oo dalkeennii nabad uu inoogu noqdo.

 

Read more...

 

Samoa oo noqotay wadanka ugu horreeya ee looga dabaal dago sanadka cusub 2012.

Dadka ku nool wadanka Samoa ee ku taal Koonfurta Badweynta daggan ayaa noqday dadka ugu horreeya dunida ee soo dhaweeyay Sanadka cusub 2012-ka.

 

Read more...

 

Codsiga teesaraha caruurta 14 jirka ah oo kordhay

JSN JImco 30-12-2011: Codsiga teesaraha carruurta 14 jirka ayaa kordhay ka dib markii ay dowlada Nederland shaaca ka qaaday bishii november 2011 in la kordhin doono qiimaha teesaraha  oo hadda ah 9.22 euro, laakiin marka laga bilaabo sannadka cusub  uu noqon doono 30 Euro

Read more...

 

Soomaalida gadoodsanayd oo loo oggolaaday xarunta qaxootiga ee Ter Apel

JNS Jimco 30-12-2011: Soomaalidii ka gadoodsanayd go aanka dowlada Nederland ee banaanka la dhigay ee loo diiday wax daryeel ah haday noqon lahayd, meel ay ku noolaadaan, daryeel caafimaad, waxbarasho, iyo shaqo ayaa dabayaaqadii bishan diseembar 2011 ayaa wadahadalo badan ka dib oggolaaday in fursadii ay dowlada Nederland u soo jeedisay ee ay ahayd in ay dib usoo codsadaan magangalyo hor leh lana fiirin doono kiiskooda ayaa aakhirkii oggolaaaday ka dib markii duqa magaalada ay banaanbaxa ka samaynayeen Soomaalida uu kula hadlay xarunta lagu qaabilo qaxootiga Nederland ee Ter Apel oggolaadeen in dacwadooda dib loo fiirin doono loona oggolaaday in ay joogaan Ter Apel in ta kiiskooda go'aan laga gaarayo.

Read more...

 

JSB oo u garatay bilad sharafka sannadka 2011 R/wasaaraha Turkiga

JSB: Isniin : 2011-12-27: Jaaliyada Soomaalida ee Breda oo ah jaaliyad balaaran oo ku dhaqan magaalada Breda oo ka tirsan gobolka waqooyiga Brababant ayaa waxay u doorteen Raisulwasaaraha Turkiga Receb Dhayib Erdogan in la  siiyo abaal marinta sanadka 2011 ee ay bixiso qaramada midoobay  sannad waliba bisha maarso.

Read more...

 

Soomaali gadoodsan oo hor dagay xarunta qaxootiga lagu qaabilo ee Ter Apel Nederland

JSB Arbaco 28-12-2011: 25 Soomaali oo la diiday codsigoodii qaxootinimo ay uga codsadeen Nederland, ayaa iyagoo ka xun ka gadoodeen go aanka ay ka gaartay hay ada IND oo qaabilsan qaabilaada iyo dejinta dadka qaxootiga ah ayaa hor dagay xarunta ugu weeyn Nederland oo la yiraa Ter Apel ee lagu qaabilo qaxootiga Nederland

Read more...

 

Kabtan Man City Vicent Kompany Oo Sheegay Inuu Dareemayo In Xilli Ciyaareedkan Ay Kooxdiisa Qaadeyso Premier League.

Kabtanka kooxda Manchester City ayaa sheegay inuu dareemayo in xilli ciyaareedkan uu yahay xilli ciyaareedkii kooxdiisa Man City. Kooxda Roberto Mancini ayaa hogaanka u haya horyaalka Premier League, waxaana ay labo dhibcood ka horeeyaan kooxda Manchester United.

Read more...

 

Kabtan Man City Vicent Kompany Oo Sheegay Inuu Dareemayo In Xilli Ciyaareedkan Ay Kooxdiisa Qaadeyso Premier League.

Sport

Kooxda Roberto Mancini ayaa hogaanka u haya horyaalka Premier League, waxaana ay labo dhibcood ka horeeyaan kooxda Manchester United. Iyagoo bishii May soo gabagabeeyay koob la’aantii heysay muddo 35 sanno markaasoo ay ku guuleysteen FA Cup, Kompany ayaa aad ugu faraxsan inay kooxdiisa horumar sameyneyso, waxaana uu ku niyadsan yahay inay kooxdiisa dabaaldegi doonta dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Read more...

 

Dabaaldega feestada Sinterklaas oo laga mamnuucay Surinaam

JSB Khamiis 23-12-2011: Baarlamaanka wadanka Surinaam oo ay Nederland horay u gumaysan jirtay oo madax banaanidiisa ka qaatay sannadkii 1975 ayaa ku tilmaamay  in ay tahay mid ku dhisan cunsurinimo go'aansadeena in la mamnuuco.

Read more...

 

Faransiiska oo lagu eedeeyey xasuuq Aljeeriya

JSB Jimco 23-12-2011: Raisal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyey in Faransiiska uu xasuuq u geystay Aljeeriya dagaalkii labaad ee adduunka oo uu xasuuqay 15 % shicibka reer Aljeeriya oo uu ku tilmaamay xasuuq ka dhan ah xuquuqda insaanka.

Read more...

 

Turkiga oo u jaray xiriirka wadanka Faransiiska mid dhaqaale iyo siyaaso

JSB Khamiis 22-12-2011: Dowlada Turkiga ayaa ka dhabaysay hanjebaadii ay usoo jeedisay wadanka Faransiika ka dib markii uu Faransiiska ansixiyey sharci cusub oo aqalka baarlamaanka Faransiiska oo dhigaya in la mamnuucay inkirida xasuuqii Armeeniyiinta ee waqtigii dowladii Cusmaaniyiinta sannadihii 1915 ilaa 1918 oo uu dhamaaday dagaalkii koowaad ee adduunka [1914 - 1918].

Read more...

 

Kartuunka Maanta xasuuqa maatada

JSB Khamiis 22-12-2011:  Kartuunka Maanta  waxaa uu  uu dhowranyahay iskana leh Aminarts.

 

Facebook oo 55 % dadka adduunka isticmaalaan

JSB Khamiis 22-12-2011: 55 boqolkiiba dadka isticmaala shabakada internet-ka  oo garayo  1.7 milyaardi qofood ayaa 55 % ay isticmaalaan  Facebook. Facebook ayaa sannadkii 2007 dadka isticmaalo dhamaayeen 6 %. waxaa ku kordhay 49 %

Read more...

 

Faransiiska oo xasuuqii Armeeniyiinta dambi ka dhigay cidii inkirta

JSB Khamiis 22-12-2011: Barlamaanka wadanka Faransiiska ayaa sharci cusub oo uu dhaqalgeliyey maanta ku cadeeeyey cidii inkirta xasuuqii Armeeniyiinta oo dhacay sannadihii  1915 ilaa 1918 la mamnuucay inkastoo aan la sheegin qofkii inkira wixii uu ka mutaysanayo sharciga cusub.

Read more...

 

Wasiirka gaashaandhiga Nederland oo dhalinta ugu baaqay adeega bulshada

JSB Khamiis 22-12-2011: Wasiirka gaashaandhiga ee Nederland mudane Hans Hillen ayaa sheegay mar lagu waraysaneyey telefishinka RTL 7 in uu taageersanyahay in dhalinyarada ay sameeyeen adeeg bulsho ay ku taageerayaan oo noqon karo mid wax ku ool ah oo u fiican bulshada iyo dhalinyarada laftigooda.

Read more...

 

220,000 tan khashin Talyaaniga oo Nederland koronto looga dhalin doono

JSB Khamiis 22-12-2011: Khashin laga keenay magaalada Naboli Talyaabniga, ayaa lagu keeni doonaa maraakiib ka dibbna inta la gubo kulaylka ka dhashana laga dhalin doono koronot loo adeegsado in guryaha loogu isticmaalo koronto ahaan iyo in guryaha lagu kululaysto. Khashinka  oo  200,000 tan ah.

Read more...

 

220,000 tan khashin Talyaaniga oo Nederland koronto looga dhalin doono

JSB Khamiis 22-12-2011: Khashin laga keenay magaalada Naboli Talyaabniga, ayaa lagu keeni doonaa maraakiib ka dibbna inta la gubo kulaylka ka dhashana laga dhalin doono koronot loo adeegsado in guryaha loogu isticmaalo koronto ahaan iyo in guryaha lagu kululaysto. Khashinka  oo  200,000 tan ah.

Read more...

 

12,000 Yurubta bari oo walaac laga muujiyey cayrta la siiyo

JSB Khamiis 22-12-2011: Wasiirka wasaarada arrimaha bulshada iyo shaqada ee Nederland mudane Henk Kamp ayaa ka muujiyey walaac 12000 dad Yurubta bari ah oo ay u badan yihiin wadanka Poland ay qaataan lacagta daryeelka ee loo yaqaan uitkering cayrta sannad ka horna ay ahaayeen 1070 qofood.

Read more...

 

Ninkii xasuuqii Norway gaystay oo in uu waalanyahay la cadeeyey

JSB Khamiis 22-12-2011: Ninkii xasuuqa ka gaystay wadanka Norway[ Anders Behring Breivik] samarkii la soo dhaafay baaritaan ay ku sameeyeen dhakhaatiir todobo ah ay ku cadeeyeen in uu nin maskaxda looga jiro yahay oo aan caadi ahayn

Read more...

 

Maxkamad midowga Yurub oo diiday tarxiilka qaxootiga

JSB Khamiis 22-12-2011: Maxkamada midowga Yurub ayaa diiday in aan dadka magangalyo doonka ee iska dhiibo wadamada midowga Yurub aan loo tarxiili karin wadamada midowga Yurub ah haddii ay kala kulmayaan dhibaato in si xun loola dhaqmo.

Read more...

 

Cirbixiyeenkii Andrei Kuipers oo u duulay xarunta ISS

JSB Khamiis 22-12-2011: Cirbixiyeenka Nederlandeeska ah ee la yiraa Andrea Kuipers ayaa maanta ka duulay xarunta ay laga tuuro gantaalada qaada cirbixiyeenada ee magaalada Baykanuuur ee Kazachstan saacadu markii ay ahayd arbaco 21-12-2011 14:26.

Read more...

 

Wadanka Turkiga oo ku hanjabay in uu cunaqabtayn saari doono Faransiiska

JSB Khamiis 22-12-2011: Dowlada Turkiga ayaa ku hanjabtay in ay saari doonto cunaqabatayn wadanka Faransiiska haddii uu aqoonsado sharci cusub oo uu ku doonayo in uu ku ansixiyo inay tahay danbi in la inkiro xasuuqii Armeeniyaanka 1914 -1918.

Read more...

 

Xisbiga shaqaalaha oo uu Hans Spekman ku guulaystay

JSB Arbaco 21-12-2011 Hans Spekman ayaa ku guulaystay in uu noqdo hogaamiyaha cusub ee xisbiga shaqaalaha ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan PVDA oo ah xisbiga ugu weeyn mucaaradka Nederland

Read more...

 

Gabdhaha kubada kolayga Somaliya oo kabadiyay gabdhaha Kuwait

JSB Arbaco 21/12/2011 Cayaartoyda gabdhaha Soomaliyeed ee kubada kolayga oo iska hor yimadeen gabdhaha kubada kolayga ee kuwait.   Ciyaartan oo xiiso lahayd dad badana kasoo qaybgaleen ayaa ka dhacday Dooxa wadanka. Gabdhaha Soomaaliyeed waxay muujiyeen ciyaar heersare ah oo ay uga badiyeen  kooxda kubada kolayga ee Kuwayt.

Read more...

 

Imaam Marokaan ah oo loo diiday in uu soo galo Nederland

JSB Isniin 19-12-2011 Imaam Marokaan ah oo masjid cusub oo laga furi doono magaalada Den Haag oo ay martiqaadeen maamulka masaajidka ayaa wasiirka arrimaha dibada ee Nederland mudane Uri Rosenthal uu sheegay in ay Nederland u diidi doonto in ay siiso fiiso ama dal ku gal haddii uu soo codsado fiiso

Read more...

 

Caruurta Nadarland oo dib loogu qori doonin basaboorka waalidkood

JSB isniin 19/12/2012
Sharci hirgali doona kuleylaha [samarka] soo socda ayaa sheegaya in aan dib loogu qori doonin caruurta basaboorka waalidkood, iyadoo horay loo oggolaa in waalidka loogu qori karo baasaboorkooda.Waxaa kaloo la oggolaa in carruurta la siiyo baasaboor iyaga u gaar ah oo waalidka uqaadi karaan.  Qiimaha baasaboorka ama teesaraha loo yaqaan ID oo ahaa qiimahiisa 9 yuuro ayaa la sheegay in sannadka cusub qiimahiisa noqon doono 30 Yuuro.

Read more...

 

Dukaamada Nederland oo filayo in ay usoo xarooto 800 malyuun

JSB Isniin 19-12-2011: Dukaamada waaweyn ee Nederland ayaa filayaa in ay u soo xarooto lacag dhan 800 malyuun oo Yuuro ah ciida Kirismaska iyo sannadka cusub  ee 2012 oo ay naga xigto wax ka yar labo todobaad. Waxaa kaloo la filayaa 750,000 ay fasax iyo tamashle aadi doonaan.

Read more...

 

Maxaad ka taqaan wadamada isticmaala Lacagta Yuurada

JSB Isniin 19-12-2011: Bar ama baro

Wadamada midowga Yurub ee isticmaala Yuurada oo kala ah 17 wadan oo kala ah sidan:- Halkaan ka akhriso

Read more...

 

Hogaamiyihii Koonfurta Kuuriya oo geeriyooday

JSB Isniin 19-12-2011: Madaxweynihii hore ee Waqooyiga Kuuriya ayaa lagu shaaciyey saxaafada wadankaas in uu geeriyooday. Hogaamiyahaan ayaa ku xukumi jiray gacan adag  sida ay sheegeen wadamo badan oo midowga Yurub oo walaac ka muujiyey in baratan xukun wareejinta ka imaado taaso sababi karto dhibaato nabadgelyada gobolka wax u dhimi karta.

Read more...

 

Maxkamada Caalamiga ee ICC oo tashiilka dhaqaale dhib u keeni karo

JSB Isniin 19-12-2011: Maxkamada caalamiga ah ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ICC ee fahdigeedu yahay magaalada hayg[Den Haag] ee Nederland ayaa qarka u saaran in dowladihii ka taageeri jiray xagga dhaqaalaha ay la soo daristay busaarad dhaqaale rabana in ay dhimaan qaaraankii ay bixin jireen si ay maxkamada howlaheeda u badan maxkamadeynta dunida 3aad

Read more...

 

Reer Marookaan ah dhib loo gaystay uga guuray Utrecht

JSB  Isniin 19-12-2011: Reer asalkoodii hore Marokaan ah ayaa sida uu ku waramay duqa magaalada Utrecht Aleid Wolfsen halkii ay deganayeen ku qasabtay in ay iskaga guuraan ka dib markii dhalinyaro xaafada la degan u tashadeen oo ay dhib qaxar geliyeen. Duqa magaalada Utrecht wuxuu sheegay in biliiska uusan waxba ka qaban

Read more...

 

20-ka shirkadood ee ugu weeyn Nederland oo 8% dhimayo shaqaalahooda

JSB Axad 18-12-2011 labaatanka shirkadood ee ugu weeyn Nederland oo shaqo bixiyayaalka ah ayaa ku talo jiro in ay dhimaan shaqaalahooda 8 % oo u dhiganta 37,000 shaqaale ah. Waxaa qoray todobaadkii lasoo dhaafay Joornaalka la yiraa Volkskrant oo kasoo baxa Nederland.

Read more...

 

Caaisha Rabiica oo noqotay kabtan buuxa fiirso

JSB Axad 18-12-2011: Waa sacdiya Casiis iyo Sacdiya waa labo duuliye oo u dhashay wadanka Pakistaan oo noqday dumarkii ugu horeeyey ee diyaarada ay wadaan labadaan duuliye ee dumarka ah ayaan looga baran wadamo badan oo adduunka ka tirsan. Waa arrin leh ku dayasho iyadoo raacayo sid aay diinta qabto.

Read more...

 

Fadeexo Ceeb iyo Amakaag kaniisada Katooliga Nederland la soo daristay

JSB Axad 18-12-2011: Waxaa tobodaadkii la soo dhaafay soo baxay baaritaankii mudane Deetman oo loo xilsaaaray in uu soo baaro faraxumaynta  carruurta ee wadaadada kaniisada Katooliga ee Nederland oo laga soo dacwooday oo dad badan oo hadda waayeel ah ay codsadeen in baaritaan lagu sameeyo maadaama la faraxumeeyey markii ay carruurta ahaayeen laguna aaminay iskuulada iyo xarumihii agoonta ee ay kaniisada Katooliga maamulaysay.

Read more...

 

19 Soomaali maxbuus ah oo xaakim maxkamadeed amray in si deg deg loo sii daayo

JSB Jimco 16-12-2011 19 Soomaali ah oo xabsi ku jiray oo tarxiil sugayaal ah ayaa maxkamad ku taal magaalada Den Haag uu xaakimkii maxkamada amray in si deg deg ah looga sii daayo xabsiga ay ku jiraan oo ku yaal Ter Apel oo ah xarun lagu qaabilo dadka magangalyodoonka ah oo ku taal gobolka Groningen

Read more...

 

Alaabihii Khadaafi oo dib loogu celin doono Liibiya

JSB Jimco16-12-2011: Alaabo uu lahaa Madaxweynihii hore ee Liibiya marxuum Mucamar Khadaafi oo lagu soo bandhigay magaalada Breda Nederland ayaa safiirka Liibiya uga wakiilka ah beri oo sabti ah lagu wareejin doonaa si uu ugu celiyo Liibiya.

Read more...

 

Warbixinta iyo baaritaanka Deetman ee faraxumaynta carruurta ee Katooliga

JSB Jimco 16-12-2011: Warbixin uu soo saaray nin la yiraa Deetman oo loo xilsaaray in uu soo baaro faraxumaynta iyo kufsiga carruurta ee kaniisada Katooliga sannadihii 1945 ilaa 1981 ayaa ku soo gabagabeeyey warbixinta baaritaankiisii oo maanta la shaaciyey in ku qasbida wadaadada Katooliga ee ah in aysan guursan xiriir galmana aynaan yeelan ay tahay mid keeni karta in wadaada ay fududayso in ay ku dhaqaaqaan faraxumaynta carruurta loo dhiibo.

Read more...

 

Nederland oo lagu dhaleeceeyey la dhaqanka dadka wadan laawayaasha ah

JSB Jimco 16-12-2011 Qaramada midoobay xafiiskeeda qaxootiga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa ku dhaleecaysay Nederland in ay si  taxadir ah ula dhaqanto dadka dowlada laawayaasha ah oo ay badanaa ku kalifto dadka  jiritaanka wadankooda baaba ay sida Yugoslaafiyada hore oo horay u ahayd  jamhuuriyado isu taga.

Read more...

 

Ciidamada Maraykanka 9 sanno ka dib Ciraaq ka baxayo

JSB Khamiis 15-12-2011 Ciidamada Maraykanka oo sagaal sanno mudo laga joogo xoog ku qabsaday wadanka Ciraaq madaxweynihii Ciraaq Saddaam Xuseyna qaarijiyey isagoo isaga horkeenay bulshada reer Ciraaq Sunno iyo Shiico oo dagaalo qaraar la isaga horyimid oo lagu hoobtay.

Read more...

 

Madaxweynihii hore Faransiiska Jack Chirac oo la xukumay

JSB Khamiis 15-12-2011: Madaxweynihii hore Faransiiska Mudane Jack Chirac ayaa maxkamad ku taal magaalo madaxda Faransiiska ee Baariis ay ku xukunktay labo sanno oo xarig ka dib markii lagu helay musuq maasuq iyo abuuritaan shaqooyin uu ku kobcinayay xisbigii uu ka tirsana mar uu ahaa duqa magaalada ee xarunta wadanka Faransiiska sannadihii  1977 ilaa 1995.

Read more...

 

Sicir barar dhaqaale oo laga digay sannadka 2012

JSB Khamiis 15-12-2011: Sicir barar, shaqo la'aan iyo busaarada dhaqaale ayaa lagu shaaciyey saxaafada wadanka Nederland oo ay shaaciyeen dowlada Nederland iyo xafiiskeeda dhexe ee qorshaynta  ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan CPB [Central Plan Bureau]

Read more...

 

Masar oo walaac ka muujisay buug cusub oo uu wilders soo saari doono

JSB: Masar ayaa walaac ka muujisay buug cusub oo uu soo saari doono hogaamiyaha xagjirka ah ee shaqada ka dhigtay Muslim nacaybka ee xisbiga xorriyada PVV ayaa ku mashquulsan buug uu ku dhaleecaynayo diinta Islaamka iyo Muslimiinta

Read more...

 

Duuliye ciidanka cirka Nederland oo 6 sanno xarig lagu xukumay

JSB Arbaco 14-12-2011: Duuliye ciidanka Nederland oo ku duuli jiray diyaarada dagaalka noocooda F 16 ayaa maxkamad ku xukuntay lix sanno oo xarig ah ka dib markii lagu qabtay isagoo diblomaasi Ruush ah kula balamay magaalada Scheveningen ee Nederland.

Read more...

 

Doodii qaliinka xoolaha ee Muslimiinta iyo Yuhuuda Nederland oo la ansixiyey


JSB Talaado 13-12-2011: Bilahahan danbe waxaa ka socday aqalka labaad ee barlamaanka Nederland dood ku saabsan in sida ay u qashaan xoolaha Muslimiinta iyo Yuhuuda ay xanuun badan kala kulmaan haboona tahay in lagu duro cirbada kabaabyada ka hor inta aan la qalin.

Read more...

 

Nin ku dilay saddex Afrikaan ah magaalada Florence Talyaaniga

JSB Talaado 13-12-2011 Nin aan la aqoon haybtiisa balse la sheegay in uu Talyaani cadaan ahaa ku toogasho ku dilay garab rarato reer Senegaaal oo jidadka magaalada Florence ee wadanka Talyaaniga ku dilay iyadoo la sheegay in dad goob joog ahaa ay sheegeen

Read more...

 

Askari Biliis ah oo dilay saaxibadiis ka dibna isaga is dilay

JSB Talaado 13-12-2011 Askari ku jiray tababar biliis ayaa dilay gabar uu saaxiib la ahaa iyadoo dukaan gadayso. wuxuu isticmaalay bistooladii uu tababarka biliiska u isticmaalayey. Gabadha uu dilay ayaa la sheegay in ay 18 jir ahayd

Read more...

 

Xiriirika Rumeeniya iyo Nederland oo cirka isku shareeray

JSB Talaado 3-11-2011: Xiriirka Nederland iyo Rumeeniya ayaa xumaaday ka gadaal markii ay Nederland is hortaagtay oo ay fiito dul dhigtay arjigii codsiga ay ugu biiri lahaayeen axdiga Shengen oo dhigayo in la isu furo xuduudaha  iyo ganacsiga iyadoo wax fiiso ah lagu xirin.

Read more...

 

cayaraha yurub ee 2012 oo lodiyargarobayo

JSB isniin 12/12/2012

Wadanka Nadarland ayaa waxa ka bilaawgday diyaar garow cayaraha yuribiyanka ee dhici doona 2012 cayarahaas oo wadanka Holland eey kuwda jiraan eyaga iyo wadamada Germany Portugal iyo Danmarka dadka ka faalado cayaraha ayaa waxa eey sheegen in uu yahay geruubka uga adag.

Read more...

 

hawenay afrikanah oo loodortay maxkamada Danhaag

JSB isniin 12/12/2012

haweney u dhalatay qaarada afrika oo loo doortay in eey naqato qofka ugu sareeya maxkamada dembiyada ee internationaal strafhof oo ku taal magaalada Danhaag ee wadanka Naderlanad haweenaydan oo ah qofkii ugu horeeyay oo afrikan ah oo qabta xilkah.

Read more...

 

Mc donalads oo ka walacsan go,aanka gemeetiga breda

JSB 10 Sabti 2012

gameetiga breda oo is badal ku sameeyay furataanka Mcdonalka Cantruumka kaas oo laga bilaabo 2009 ilaa hada maalmaha shakhada ahaa waqtiga furitaanka sideed saac oo habeenimo weekandigan uu ahaa ilaa tobansaac oo habeenimo ayaa waxa isbadel ku sameeyay gemeeti Bareda taas oo eey aad uga xu maaden milkilaha mcdonalka.

Read more...

 

Musharaxa Newt Gingrich oo ka been abuurtay Falastiin kuna tilmaamay shicib aan jirin

JSB Sabti 10-12-2011: Musharaxa xisbiga rebablikaanka Newt Gingrich ee doorashada 2012 ka ayaa waraysi uu siiyey Jewish channel oo ka soo baxa Maraykanka ku cadeeyey in isaga raisalwasaaraha Israaiil ay isaga mid yihiin arrimo badan oo ku aadan dhulka Falastiin oo ay Yuhuuda xooga ku qabsatay.

Read more...

 

5 milyaardi tashiil dhaqaale oo 2013 loo baahanyahay

JSB Jimco 09-11-2011: Ilaa iyo hadda lama yaqaan lacagta tashiilka dhaqaale ee dhabta ah ee uu u baahanyahay dhaqaalaha Nederland. Waxaa ku guuldaraystay dhamaan dowlada iyo dhamaan khubarada ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha Nederland iyo midowga Yurub oo ilaa iyo hadda la la yaaban yahay halka ay duufaanta busaarada dhaqaale u wadato midowga Yurub.

Read more...

 

Midowga Yurub oo ku kala qaybsamay badbaadinta lacagta Yuurada

JSB Jimco 09-12-2011 BRUSSEL :Midowga Yurub oo shirweyne lagu falanqeynayo mustaqbalka lacagta Yuurada iyo dhaqaale xumada la soo daristay ayaa ku kala qaybsamay qaabka dhaqaalaha Yurub iyo shaqo la'aanta loo xakameeyn lahaa. lacagta Yuurada oo 17 wadan isticmaalaan oo loo aaneynayo dhibaatada dhaqaale ee la soo daristay Eurozone wadamada la isku yiraa.

Read more...

 

Qaxootiga codsigooda la diiday oo lacago la siinayo haddii ay si mutadhawacnimo u noqonayaan

JSB Khamiis 08-12-2011 Dowlada Nederland ayaa go aansatay in ay siiso lacag dadka la diiday codsigooda qaxootinimo oo tarxiil sugayaasha ah in ay haddii ay si mutadhawacnimo ah ugu noqonayaan wadankooda ay siin doonto lacago lagu taageero ah oo ay ku baran karaan waxbarasho ama ku bilaabi karaan ganacsi.

Read more...

 

Nederland oo cadaadis uga yimid Rumeeniya iyo Bulgaariya

JSB Khamiis 08-12-2011: Dowlada Nederland ay culays iyo cadaadis uga yimid labada wadan ee Bulgaariya iyo Rumeeniya. Nederland iyo Finland ayaa is hortaagay ku biirida labada wadan ee axdiga shengenka oo dhigaya in la isku furo xuduudaha cir iyo dhul oo aan wax fiiso ah looga baahnayn dadka isaga dhex safraya wadamada ku jira Axdiga Shengenka.

Read more...

 

Keenya oo Soomaaliya u soo shaqo tagtay

JSB Khamiis 08-12-2011 Dowladaha safka hore ee Soomaaliya dariska la ah ee ay ka mid yihiin Itoobiya, Keenya,  iyo kuwa bariga Afrika Ugaandha iyo Burundi ayaa arkay fursad dhaqaale oo ciidamadooda ka heli karaan nabad ilaalinta qaramada midoobay dakhliga dhaqaale ee nabada ilaalinta oo askarigiiba qaadanayo lacag kor u dhaaftay 1100 dollar oo ay waligood heli lahayn haddii ay joogi lahaayeen wadankooda.

Read more...

 

Haweeneey Nederlandees ah oo u dagaalanta jabhada FARC

JSB Arbaco 07-12-2011: Haweeneey Nederlandees Tanja oo la safatay jabhad la yiraa marka la soo gaabiyo magaceeda FARC oo ka dagaal gasha wadanka Colombia oo ah wadan koonfurta qaarada Maraykanka ku yaal. Tanja ayaa siisay wadahadal ku saabsan nolosheeda  la xiriirta jabhada FARC. Tanja mudo ayay ka dhinac dagaalamaysay jabhadaaan laguna eedeeyey afduub, iibinta waxyaabaha maandooriyaha iyo dil. Tanja haddii la qabto waxay mutaysanasaa 60 sanno oo xarig ah.

Read more...

 

imaashaha immamka wadanka Nedarland

JSB arbaco 7/12/2011

doowlada Nadarland oo dood aad ufara badan ku abuurtay imaasha immam u dhashay wadamada carabta taas oo xisbayada wadankan ku abuurtay is qabqabsasho badan. qaar ka mid ah xisbayada wadanka Nadarland ayaa qaar waxa eey ka muu jiyeen diidmo aa ah in uu iman ama aan la siin

Read more...

 

naagta loo heestay dhimashadii ninka afrikanka ah

JSB arbaco 7/12/2011

Naagtii looga shakisna in eey dishay ninka afrikanka ah ee ku noola maagalada Breda nin kaas oo ahaa nin darbi jiif ah kuna noola nolal aad u adag ayaa waxa dilkiisa loo xiray 2 qofood oo midkeed eheed naag lakin waxa malinta isniinta la sii daayay naagtii iyada oo weli laga shakisanyahay oo tuhan laga qabo in eey dishay

Read more...

 

Story of Somali woman :: Journey of Nasro +Fiirso

JSB Arbaco 07-12-2011: Haweeney Soomaali ah oo ku nool magaalada Columbus, Ohio ee Mareykanka ayaa waxaa ay si kal iyo laab ay uga sheekeysay nolosheeda iyo dhibkii ay soo martya ilaa iyo xilligii ay ka soo qaxday dalka Somaaliya ilaa ay ka timaado dalkaas Mareykanka oo ay hadana halkaas ku qabsadeen dhibaatooyin badan.

Read more...

 

Hay ada sadaasha hawada oo ka digtay Duufaan dabayl iyo roob wata

JSB Arbaco 07-12-2011: Hay ada sadaasha hawada ee Nederland ayaa saaka oo arbaco ah ka digtay duufaan dabaylo iyo roob wadata dhinaca gobolada ku yaal badda.

Read more...

 

Dowlada Ingiriiska oo ku hanjabtay in ay is hor taagi doonto axdiga Merkozy

JSB Arbaco 07-12-2011: Raisal wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa ku hanjabay in uu is uu is hortaagi doono haddii axdiga cusub ee ay u ololeynayaan  Jarmalka iyo Faransiiska Angela Merkel iyo Nicolas Sarkozy oo aan u soo gaabinay Merkozy. Ingiriiska kama tirsana Eurozone waxa loo yaqaan ee lacagta Yuurada balse ka mid ah midowga Yurub.

Read more...

 

1.1 malyuun oo 2012 ku noolaan doona dakhli ka hooseeya xadka dowlada Nederland u dajisay ee fakhriga

JSB Arbaco 07-12-2011: Hay ada loo yaqaan CPB Central Plan Bureau ayaa warbixin ay shalay shaacisay ku sheegtay in ay kordhi doonto dadka ku nool fakhriga oo dakhligooda ka hooseeyo xadka ay dowlada Nederland u dejisay xadka fakhriga ee loo yaqaan  armoedegrens . Dadkaan ayaa la sheegay in ay gaarayaan 1.1 malyuun dadkaan ayaa badankooda ah dadka qaata lacagta daryeelka, qaxootiga, dadka laga tirada badan yahay, haweenka kaligood nool ee carruuta leh, waayeelka.

Read more...

 

Isbadalka TV Nedarland 2013

JSB Talaado 06/12/2011: Waxaa eey dowlada Nadarlaand sheegtay in eey isbadal ku sameeynayso TV yada digatalka  2013 hadii ilahay nagaarsiiyo taas oo eey hada da weeynaha fiirsadaan ilaa 15 kanaal lakin eey doowlada sheegtay in laga dhigi doono 2013

Read more...

 

Wadaad Masiixi ah oo 46 sanno ka dib laga mamnuucay kaniisada

JSB Talaado 06-12-2011 Wadaad Nederlandees ah oo ka tirsan kaniisada katooliga oo 46 sanno la noolaay haweeney ayaa ay amartay wadaadka ugu weeyn kaniisada ayaa la amray in uu kala doorto la noolaanshaha saaxiibadiis ama u go'o wadaadnimo xagga kaniisadad ayaa ka gadaal markii uu diiday in uu saaxibadiisa ka guuro ay kaniisada ka ceyrisay kuna amartay in uusan mar danbe magaca kaniisada ku shaqayn karin.

Read more...

 
Aftida shirka London
Sidee u aragtaa shirka London 23-Feb-2012
 
Number of Visitors
Content View Hits : 68698