Bresom : Breda 2011-04-06

Gabar 12 jir ah oo iskooleey ah  ayaa sida ay sheegeen wargeysyada wadanka Nederland dhashay gabar iyadoo fasax iskool ku jirtay oo booqanaya xerro xayawaan ayaa la sheegay in caloosha xanuuntay baaritaan ka dib waxaa la ogaaday in gabadha ay fool tahay oo halkaas ku dhashay gabar.

 

Waxaa la sheegay in hay'ad ilaalisa xuquuqda carruurta ay arrinteedii ku jiraaan sidi wax loolo qaban lahaa ilmahaan ilmaha dhalay.

Waa arrin murugo leh in ilmo iyagaba u baahan in la koriyo oo koriinshahoodii iyo waxbarasho ku jiraan ay dhalaan ilmo kale oo aysan ka bixin karin.

Wararka waxay sheegayaan in Aabihii gabadha dhalay ay u badantahay in uu yahay aabaha ilmaha ka dib markii laga qaaday DNA.  Biliiska halka ay daganayd gabadha ayaa la sheegay in la weeraray gurigii ay daganayd iyadoo loo aaneeynaayo mujrimnada aabaha oo lagu tillmaamay Pedo oo ah dadka waaweeyn oo carruurta faro xumeeyo iyadoo wadankaan iyo dhamaan Yurub guud ahaan ka ah danbi. Guriga ay deganayd gabadha ilmaha dhashay ayaa miraayadaha laga jajabiyey.

Waa ay socotaa

Qore Daud