Tarxiilka Ciraaqiyiinta oo beri bilaabmi doona
|
BRESOM: Arbaco 06-april 2011 9:58 PM 4/6/2011
Dowlada Nederland ayaa sheegtay in ay tarxiili doonto hal diyaarad oo ay ku buuxaan dad reer Ciraaq ah isugu jira reero iyo carruurtooda berito oo ah Khamiis 07-04-2011. Waxaa dadkaan loo tarxiili doonaa wadankoodii Ciraaq, inkastoo aan la sheegin halka lag dejin doono iyo tiradoodaba. Waxaa dadkaan tarxiilka ah ku wehlin doonaa diyaarada reerkiiba 3 askari qofkii kaligiis ah 2 askari.
Ciraaqiyiinta ayaa kuwa badan waxaa la siiyey sharci bani aadanimo kaasoo shuruudiisu ahayd haddii uu wadanku dego in dib loogu celin karo. Waxaa ay noqotay nabad ayay tiri dowlada wadanka Nederland.
Marka laga bilaabo sannadkii hore ee 2010 ayaa qaxootiga magangalyo doonka ah ee reer Ciraaq loo
diiday in la qaabilo iyadoo codsi ama kiis walboo magangalyo gaar loo eegi doono sida la sheegay.
Ururka u ololeeya arrimaha qaxootiga Nederland ee loo yaqaan VluchtelingWerk ayaa ka muujisay walaac iyo ashtako
qaabka loo soo weeraro reeraha la tarxiilayo iyagoo lagu soo guureeyo. taasoo la sheegayo in ay ku abuurta carruurta ka mid ah reeraha la tarxiilayo ku rido argagax iyo walaac.
Ururka Qaxootiga u ololeeyo ee Nederland ayaa dowlada ka codsaday in ay dowlada ka faaloqaado in dadka la tarxiilayo aanan
la xirin dhibna loo gaysan marka lagu celiyo Ciraaq. Dowlada Ciraaq ayaa sheegtay dadka la soo celiyo in ay xiri doonaa saddex todobaad si loo oggaado heeybtooda.
Qore Daud
Isha :
| < Prev | Next > |
|---|
