Safiirka Maraykanka Nederland iyo Muslim Nacaybkiisa Akhriso

Khamiis  27 Juunyo 2019 JSN: Safiirka Maraykanka ee Nederland Mudane: Pete Hoekstra ayaa u gudbiyey dowlada Nederland ee  R/wasaare Mark Rutte in looga baahanyahay dowlada Nederland in ay ciidamo geeyso wadanka Suuriya lagula dagaalamayo Daacish ama IS.

Mudane Pete Hoekstra oo horay  waalidkiis  sannadihii 1950  oo ku aadan shan sanno ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii 2 aad ee adduunka oo Yurub inteeda badan ku burburtay dowlada Maraykankana ugu yaboohday gargaarkii dib u dhiska ee loo yaqaanay Marshal  Plan.  Pete Hoekstra isagoo  3 jir ah ayay waalidkiis isaga haajireen Nederland oo dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwa kuwa bulshadeed haysteen.  Pete Hoekstra oo saaxiib la Madaxweyne Donald Trump ayaa sannadkii tagay loo magacaabay in uu safiirka Maraykanka ee Nederland noqdo.

Pete Hoekstra wuxuu ku bilaabay fadeexo ka gadaal markii la oggolaaday in uu telefishinka Maraykanka been abuur weeyn ka sheegay isagoo leh  magaalooyinka iyo siyaasiyiinta Nederland oo la oo dad Muslimiin ah gubeen xaafado iyo magaalooyin aan la gelin karina ay jiraan taasoo been abuur ah. Pete Hoekstra nacaybka uu u qabo Muslimka iyo Muslimiinta intuu is celin waayey been abuur heerkaan gaarsiisan ku dhawaaqay. Waxay ku tusaysaa in uusan ahayn siyaasi khibrad leh oo yahay mid lagu keenay jagada uu hayo naas nuujin qaraabo kiil

Waxaa fadeexo midaan la mid ah ay ku dhacday Safiirka Maraykana wadanka Ingiriiska Mudane Woody Johnson oo isna siyaasad in la qariyo ahayd si cad uga sheegay warbaahinta Ingiriiska taasoo keentay fadeexo hor leh ka dib markii uu safiirka   uu yiri mar la waraysanaayey in wasaarada Caafimaadka Ingiriiska ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan NHS in ay miiska saaran tahay taasoo micnaheeda ahaa in shirkado si gaar ah looga leeyahay Maraykanka gacanta loo gelin doono taasoo ka abuurtay wadanka Ingiriiska  qaylodhaan shicibka ah.

Fadeexada Maraykanka iyo Fircoonka madaxda looga dhigay ayaa caadaystay in uu ku xadgudbo si bareer ah sharafta iyo cisada dadka Muslimiinta ah iyo diintooda iyadoo taliskiisa ku guuldaraystay in uu wax ka qabto dhibaatooyinka iyo fakhriga ka jira wadanka Maraykanka oo shaqo la’aanta badatay khatarna ku ah nabadgalyada iyo nabad u wada noolaanshaha shucuubta adduunka.

Fircoon Trump ayaa mar uu booqasho ku tagay wadanka Ingiriiska dhawaan kula kulmay boqorada wadanka Ingiriiska waxyaabihii laga wadahadlay oo aan cidna loo sheegin ayaan markii aan falanqaynay waxaa ka mid ahaa in Maraykanka uu rabo in lagu wareejiyo wasaarada caafimaadka Ingiriiska ee NHS iyo dagaalka qorshihiisa la wado ee lagu doonayo in lagu qaado Iiraan. Wadamada Khalliijka oo uu Sacuudiga hormuud u yahayna ay diyaar la yihiin wixii dhaqaale ku baxo ayna iclaamin doonaan in dagaalka ay dhinacooda ka geli doonaan iyadoo Sacuudiga loo xilsaaray in uu abuuro dagaal diimeed Shiicada iyo Suniga la isaga horkeenaayo taasoo cawaaqib xumo weeyn u keeni doonta Muslimiinta ku nool khaliijka Carabta.

Waxaa hubaal ah in aysan dan ugu jirin in dagaal ka dhaco  bariga dhexe maadaama  shidaalka dhaqaalaha intiisa badan ku tiirsanyahay adduunka oo dhan, haddii uu dhaco dagaal wuxuu noqon doonaa mid lagu hoobto oo wadamo badan oo khalliijka Carabta ka tirsan noqon doonaan kuwa  taariikhda ka gala in ay mar uu jiri jireen.

Waa socotaa ………………

JSN

 

About us

Kusoo dhawoow cinwaanka Joornaalka Soomaalida Nederland ay ku leedahay shabakada internet-ka. Waa Joornaal kusoo baxa afka Soomaaliga ciwnaakiisuna yahay www.somculned.nl

Somali Journal in the Netherlands is weekly news journal from Somalis for the Somalis in the Netherlands news and views in the media to have in their own language Somali language