Safiirka Maraykanka Nederland iyo Muslim Nacaybkiisa Akhriso

Khamiis  27 Juunyo 2019 JSN: Safiirka Maraykanka ee Nederland Mudane: Pete Hoekstra ayaa u gudbiyey dowlada Nederland ee  R/wasaare Mark Rutte in looga baahanyahay dowlada Nederland in ay ciidamo geeyso wadanka Suuriya lagula dagaalamayo Daacish ama IS.

Mudane Pete Hoekstra oo horay  waalidkiis  sannadihii 1950  oo ku aadan shan sanno ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii 2 aad ee adduunka oo Yurub inteeda badan ku burburtay dowlada Maraykankana ugu yaboohday gargaarkii dib u dhiska ee loo yaqaanay Marshal  Plan.  Pete Hoekstra isagoo  3 jir ah ayay waalidkiis isaga haajireen Nederland oo dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwa kuwa bulshadeed haysteen.  Pete Hoekstra oo saaxiib la Madaxweyne Donald Trump ayaa sannadkii tagay loo magacaabay in uu safiirka Maraykanka ee Nederland noqdo.

Pete Hoekstra wuxuu ku bilaabay fadeexo ka gadaal markii la oggolaaday in uu telefishinka Maraykanka been abuur weeyn ka sheegay isagoo leh  magaalooyinka iyo siyaasiyiinta Nederland oo la oo dad Muslimiin ah gubeen xaafado iyo magaalooyin aan la gelin karina ay jiraan taasoo been abuur ah. Pete Hoekstra nacaybka uu u qabo Muslimka iyo Muslimiinta intuu is celin waayey been abuur heerkaan gaarsiisan ku dhawaaqay. Waxay ku tusaysaa in uusan ahayn siyaasi khibrad leh oo yahay mid lagu keenay jagada uu hayo naas nuujin qaraabo kiil

Waxaa fadeexo midaan la mid ah ay ku dhacday Safiirka Maraykana wadanka Ingiriiska Mudane Woody Johnson oo isna siyaasad in la qariyo ahayd si cad uga sheegay warbaahinta Ingiriiska taasoo keentay fadeexo hor leh ka dib markii uu safiirka   uu yiri mar la waraysanaayey in wasaarada Caafimaadka Ingiriiska ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan NHS in ay miiska saaran tahay taasoo micnaheeda ahaa in shirkado si gaar ah looga leeyahay Maraykanka gacanta loo gelin doono taasoo ka abuurtay wadanka Ingiriiska  qaylodhaan shicibka ah.

Fadeexada Maraykanka iyo Fircoonka madaxda looga dhigay ayaa caadaystay in uu ku xadgudbo si bareer ah sharafta iyo cisada dadka Muslimiinta ah iyo diintooda iyadoo taliskiisa ku guuldaraystay in uu wax ka qabto dhibaatooyinka iyo fakhriga ka jira wadanka Maraykanka oo shaqo la’aanta badatay khatarna ku ah nabadgalyada iyo nabad u wada noolaanshaha shucuubta adduunka.

Fircoon Trump ayaa mar uu booqasho ku tagay wadanka Ingiriiska dhawaan kula kulmay boqorada wadanka Ingiriiska waxyaabihii laga wadahadlay oo aan cidna loo sheegin ayaan markii aan falanqaynay waxaa ka mid ahaa in Maraykanka uu rabo in lagu wareejiyo wasaarada caafimaadka Ingiriiska ee NHS iyo dagaalka qorshihiisa la wado ee lagu doonayo in lagu qaado Iiraan. Wadamada Khalliijka oo uu Sacuudiga hormuud u yahayna ay diyaar la yihiin wixii dhaqaale ku baxo ayna iclaamin doonaan in dagaalka ay dhinacooda ka geli doonaan iyadoo Sacuudiga loo xilsaaray in uu abuuro dagaal diimeed Shiicada iyo Suniga la isaga horkeenaayo taasoo cawaaqib xumo weeyn u keeni doonta Muslimiinta ku nool khaliijka Carabta.

Waxaa hubaal ah in aysan dan ugu jirin in dagaal ka dhaco  bariga dhexe maadaama  shidaalka dhaqaalaha intiisa badan ku tiirsanyahay adduunka oo dhan, haddii uu dhaco dagaal wuxuu noqon doonaa mid lagu hoobto oo wadamo badan oo khalliijka Carabta ka tirsan noqon doonaan kuwa  taariikhda ka gala in ay mar uu jiri jireen.

Waa socotaa ………………

JSN

 

Dacaayada Muslimka iyo Muslimiinta ee dowlada Nederland iyo Warbaahinteeda

Arabco  26 Juunyo 2019 JSN: Xafiiska dhexe ee tirakoobka Nederland ee loo yaqaan Centraal Plan Bureau = CPB ayaa warbixin lagu faafiyey warbaahinta Nederland ku sheegtay  ay ku weydiisay shicibka Nederland iyadoon carabaabin tirada dadka ay waraystay inta ay la eg yihiin ayaa sheegtain in dhaqanka Nederland aqalka boqortooyada Nederland, habeenka oday SinterKlaas, bishkileetiga

Warbixinta laguma sheegina mana caraabaabin Aqalka boqortooyada iyo boqorka Nederland oo ku helay jagadaan hooyadiis oo boqorod ahayd oo kaliya, laakiin aan ku helin codayn, karti,aqoon adduun iyo mid diimeed ee aana waafaqsanayn dimoqraadiyada qarniga 21 aad ee ay reer Yurub ummadaha kale ku qasbaan balse iyaga dhagaha ka owtay oo xoog ku haysta

Warbixintaan oo lagu sheegay in ay ahayd mid cilmiyeysan oo ay dad khubaro ah sameeyeen. Laguma carabaabin khubarada iyo magacyadooda iyo aqoontooda heerka ay gaarsiisantahay iyo qaabkii ay u sameeyeen warbixintaan cilmibaarista ah iyo tiro koob cad.

Warbixinta ayaa sheegtay sida saakay lagu faafiyey joornaalada iyo telefishinka  in dadka waraysiga laga qaaday ay sheegeen in waxyaabaha ay u arkaan in khatar iyo carqalad ku tahay dhaqanka Nederland ay yihiin  kala saarka iyo qoqobka bulshada Nederland iyo diinta Islaamka.

Waxaa ayaan daro ah in Nederland uu ka jiro xisbi ka mid ah siyaasada Nederland oo howlgalkiisa uu noqday Muslim nacaybka dadka Muslimiinta iyo diintooda iyadoo dhibaatooyinka ka  jira wadanka Nederland aysan ahayn dhibaato diimeed ee ay tahay dhibaato dhaqaale. Waxaana tusaale kuu ah in Muslimka iyo Muslimiinta cid ku matasha masraxa siyaasada aysan jirin taasoo aan cadaalad ahayn ahna mid lagu rabo in lagu wiiqo, sharafta iyo cisada diinta Islaamka iyadoo aan loo oggolaan dadka Muslimka ah iyo Muslimiinta oo laga tiro badan yahay dhulalkoodiina laga soo barakiciyey markay yimaadeen Nederland iyo meelo kale oo ka tirsan wadamada Yurub iyo adduunka intiisa kale warbaahinta iyo siyaasiyiinta ay bartilmaameed ka dhigteen in ay dambiyada ay iyaga sameeyeen ay dadka ku mashquuliyaan iskana indha tiraan xaqiiqda dhabta ah ee dhibaatooyinka Yurub haysta in ay san ahayn mid diimeed oo ay dadka diimahoodii dayaceen kanisaadihiina cid aado loo waayey. Lakiin xaqiiqda dhabta ah ay tahay dhibaato dhaqaale iyo dowladii oo ka soo bixi wayday arrimihii loo igmaday ee ah shaqo abuur iyo xoolaha shicibka in ay si cadaalo ku jirto ugu hayaan.

Akhristoow waxaa hubaal ah haddii aad ku hadasho Afka Soomaaliga ama aad baratay  in dhibaatooyin badan kula soo darseen oo aad mar marka qaarkood isweydiiso ma waxaa duullaan lagu yahay jiritaankaada taasoo ah mid sax ah. Ceel kuuma qodna Cidna kuuma maqno. Waxaa ayaan daro ah iyo siyaasiyiinta iyo siyaasada Midowga Yurub, Maraykanka ay isugu soo biyo shubatay oo ka dhamaan waayeen dadka laga tirada badanyahay ee loo yaqaan Minoraty oo siyaasadaha guracan, ku takrifalka awooda ay noqotay mid ay marinhabaabiyaan shicibka dhaladka ah mowjado siyaasadeed oo ka dhan ah dadka soogalootiga ahna mar walba la iclaamiyo iyadoo xaqiiqdda ka fog.

 

 

 

Xiriir la leh qormadaan: Warbaahinta iyo dowladihii hore ee Nederland sida ay uga soo horjeedeen Jaaliyada Yuhuuda Nederland is barbardhig samee fiirso