Dowlada iyo aqalka boqortooyada Nederland oo si rasmi ah u yeelatay diyaarada cusub

Sabti 06 Luulyo 2019 JSN: Dowlada Nederland ayaa sida lagu faafiyey warbaahinta Nederland sheegtay in diyaaradii ay dowlada iyo boqortooyada Nederland wada isctimaali jireen ay ku badaleen diyaarad cusub oo ka mug iyo masaafo dheer tii hore. Diyaaradii hore ayaa ahayd mid ay samaysay shirkada Fookar (Fokker) ee Nederland.

Diyaarada cusub oo ay kacday qiimo dhan 90 Malyuun oo lacagta Yuurada ah ayaa qaadi karta 65 qofood iyadoo leh dhamaan wixii agab ah ee loo baahanyahay sida internet-ka in ay leedahay meelo howlaha dowlada diyaarada dusheeda lagu qabsan karo.  Diyaaradaan ayaa masaafo dhan 9,000 km duuli karta lehna musqalaha qubayska oo ay u dhanyihiin agabkoodii.

Duulimaadka rasmiga ah ee diyaarada cusub ee dowlada iyo boqortooyada Nederland waxay si rasmi ah u howlgalaysaa bisha Agoosto ee isla sannadkaan 2019.

Shirkada diyaaradaha  ee Boowing ayaa waxaa la soo darsay waji gabax iyo guuldaro ka dib markii diyaarada  Boeing 737 Max ay shilal badan gashay oo illaa iyo amar danbe diyaaradaha noocaan ah oo dhan la fariisiyey illaa laga xalinaayo dhibaatada shilalka. Waxaa booskii shirkada Boeing la wareegay shirkada AirBus ee ay sida wadajirka ah u sameeyaan wadamada Midowga Yurub

Xiriir la leh qormadaan:

Joornaalka Soomaalida Nederland JSN

www.somculned.nl

Telefoonka gacanta oo laga mamnuucay Nederland markaad wado bishkileetiga

Jimco 28 Juunyo 2019 JSN: Waxaa sida ay sheegtay wasiirada  kaabayaasha gaadiidka iyo biyaha Nederland Marwo: Cora van Nieuwenhuizen ee xisbiga VVD in laga bilaabo 1-Luulyo-2019 ee sannadkaa lagu soo rogay in cidii lagu qabto iyadoo wadata bishkileeti isticmaasha telefoonkeeda gacanta ganaax dhan  95 yuuro lagu ganaaxi doono

Cora van Nieuwenhuizen ee xisbiga VVD

Wasiirada ayaa iyadoo la hadlaysa warbaahinta Nederland u sheegtay sida ay khatarta u tahay isticmaalka telefoonka gacanta marka la wado bishkileetiga oo ay Nederland caan ku tahay mararka qaarkoodna loogu yeero Nederlandeeska  [Chinese of Europe] Shiineeskii reer Yurub maadaama isticmaalka bishkileetiyada aad u badanyihiin marka loo fiiriyo Yurub inteeda kale.

Guud ahaan gaadiidka Nederland oo dhan ayaa laga mamnuucay in ay isticmaalaan telefoonkooda gacanta mudada ay shaqadooda ku jiraan ee ay gaadiidka wadaan.

Waxay kaloo ayaamahan danbe kusoo biiray bishkileetiyo ku shaqeeya korontada oo marka la kaarikeeyo xawaarahoodu aad u sareeyo taasoo khatar keeni karta. In ay dowlada dhab ka tahay iyo dhalanteed la arki doonee iyo in ay yarayso shilalka.

Joornaalka Soomaalida Nederladn

www.somculned.nl

Shirkada Tareenada Nederland NS oo magdhaw dhaqaale u oggolaatay siiso dhibanayaal: Yaa waaye Akhriso

Arabco  26 Juunyo 2019 JSN: Shirkada tariinada ee Nederland ee marka la soo gaabiyo looga yaqaan Nederland  Nederlandse Spoorwegen = NS ayaa oggolaatay  in ay siiso magdhaw eheladii Yuhuuda Nederland ee ay tareenadeeda ugu masaafurisay xerooyinkii lagu xasuuqay 102,000 Yuhuudii Nederland.

Wadanka Jarmalka oo ay majaraha dowlada Jarmalka u haysay dowladii  Hitler ayaa qabsatay wadanka Nederland iyo  wadamo kale oo Yurub ah dagaalkii labaad ee adduunka sannadihii  sanndihii 1939-45. Jarmalka ayaa ku guulaystay in uu qabsado qaarada Yurub dhamaanteed marka laga reebo wadanka Ingiriiska oo mucaaradyadii iyo jabhadihii reer Yurub oo dhan u carareen iyadoo halkaas ka soo wada jabhadeeyey.

Todobaatan iyo shan sanno ayaa laga joogo waqtigii Yuhuuda Nederland looga tarxiilay Nederland iyagoo la isugu geeyey xerooyinkii xasuuqa oo ay ugu caansanayd Awshwitis, Birkanaaw  iyo wesborko. Waxaa hubaal ah in  hadafka ay dowladii Jarmalka ee Naasiga ahayd ee uu madaxa ka ahaa Hitler ku doonaysay in ay ku xasuuqdo  Yuhuuda degan Yurub oo dhan illeen Yurub dhamaanteed ayaa hal meel la isugu keenay si loogu xasuuqo. Arrintaan ayaa illaa maanta la isku khilaafsanyahay.

Shirkada tareenada Nederland ayaa ugu dambayntii oggolaatay in  ay siiso magdhaw dhaqaale ah ehelada dadkii Yuhuuda Nederland ee nool raalligelina ka bixiso.

Guddi loo xilsaaray in ay soo baaraan dhacdadaan oo uu madax u yahay duqii hore ee magaalo madaxda Nederland  Amsterdam Mudane Job Cohen oo qudhiis Yuhuud ah ayaa sida lagu faafiyey warbaahinta Nederland lagu sheegay in shirkada tareenada Nederland ee NS  ay diyaaar u tahay in ay siiso magdhaq lacageed eheladii dadkii tareenadeeda lagu qaaday ee lagu xasuusay xereooyinkii Westerbok iyo Awshwits.

Shirakda tareenada Nederland [NS] ayaa sida lagu helay baaritaan ka heshay dhaqaale dhan 2.5 milyan Yuuro lacag lagu khadaray. Sanndkii lasoo dhaafay ee 2018 ayaa madaxa NS Mudane Roger van Boxtel gudi madax banaan sameeyey si ay u soo baaraan dhacdadaan murugada leh 102.000 Yuhuudii Nederland ay shirkada ugu tarxiishay tareenadeeda iyagoo la geeyey xerooyinkii xasuuqa Yuhuuda ee ay ugu caansanayd Auschwitz, Birkanau, iyo Weterbork.

Jaaliyada Yuhuuda Nederland oo tiro ahaa ka yar Soomaalida Nederland ayaa ah bulsho isku xiran si fiicana ugu milmay siyaasada, dhaqaalaha, waxbarashada iyo warbaahinta ayaa ah arrin mudan in Soomaalida Nederland ay sidoo kale ay geedi socodka bulshada Nederland ka qaybqaataan oo dhulkoodiii, dadkooda iyo dhaqankooda illoobin.

Xiriir la leh qormadaan: Salo Muller oo eheladiisa lagu xasuuqay xeryaha xasuuqa

Borobogaandadii Warbaahinta  Nederland ee Yuhuuda lagu dacaayadayn jiray oo u dhiganta dacaayada Muslimka lagu haayo

Haddii markaad akhriso qoraalka qabto  su’aalo, talo soo jeedin fikradcelin iwm ah, fadlan halkaan noogu soo gudbi adigoo mahadsan

Joornaalka Soomaalida Nederland

www.somculned.nl