Dowlada iyo aqalka boqortooyada Nederland oo si rasmi ah u yeelatay diyaarada cusub

Sabti 06 Luulyo 2019 JSN: Dowlada Nederland ayaa sida lagu faafiyey warbaahinta Nederland sheegtay in diyaaradii ay dowlada iyo boqortooyada Nederland wada isctimaali jireen ay ku badaleen diyaarad cusub oo ka mug iyo masaafo dheer tii hore. Diyaaradii hore ayaa ahayd mid ay samaysay shirkada Fookar (Fokker) ee Nederland.

Diyaarada cusub oo ay kacday qiimo dhan 90 Malyuun oo lacagta Yuurada ah ayaa qaadi karta 65 qofood iyadoo leh dhamaan wixii agab ah ee loo baahanyahay sida internet-ka in ay leedahay meelo howlaha dowlada diyaarada dusheeda lagu qabsan karo.  Diyaaradaan ayaa masaafo dhan 9,000 km duuli karta lehna musqalaha qubayska oo ay u dhanyihiin agabkoodii.

Duulimaadka rasmiga ah ee diyaarada cusub ee dowlada iyo boqortooyada Nederland waxay si rasmi ah u howlgalaysaa bisha Agoosto ee isla sannadkaan 2019.

Shirkada diyaaradaha  ee Boowing ayaa waxaa la soo darsay waji gabax iyo guuldaro ka dib markii diyaarada  Boeing 737 Max ay shilal badan gashay oo illaa iyo amar danbe diyaaradaha noocaan ah oo dhan la fariisiyey illaa laga xalinaayo dhibaatada shilalka. Waxaa booskii shirkada Boeing la wareegay shirkada AirBus ee ay sida wadajirka ah u sameeyaan wadamada Midowga Yurub

Xiriir la leh qormadaan:

Joornaalka Soomaalida Nederland JSN

www.somculned.nl