Isbedelka cimilada shuruuc ku aadan oo maanta la soo bandhigay

Jimco 28 Juunyo 2019 JSN: Isbedelka cimilada iyo saamaynta ay ku leedahay adduunka ayaa maanta dowlada R/wasaare Mark Rutte III ay soo bandhigtay iyadoo marar hore dib loo dhigay in la soo bandhigo arrimo badan oo jiray aawadeed.

Qorshaha isbedelka cimilada ayaa dowlada soo galisay shabakada internet-ka iyadoo ka kooban 239 bog, halkaan ka dajiso oo akhriso

Iyadoo aan ognahay in cimilada waligeed isbedeli jirtay oo maalin la mid ah maalin kale aysan jirin marka laga fiiriyo isbedelka cimilada ayaa haddana waxaa soo ifbaxaayo in isbedelka cimilada in ay isbadasho iyo inkale aysan ahayn mid bani aadamka uu xukumo ee ay tahay awood Alle maadaama aan nahay Muslimiin. Dadka intiisa kale ee garaadka lehna ay ogyihiin.

Su’aalaha la isweydiin karo ayaa ah ma dowlada ayaa xukunta kownka mise Alle, jawaabta su’aasha waa Alle kor ahaaye, maxaa kalifay in mowduucaan dowlada, siyaasiyiinta iyo culumada sayniska maxay u xiisaynayaan maadaama ay ku hungoobeen oo ay wax ka qaban waayeen arrimihii loo igmaday ee maamul cadaalad ah.

Waxaa sida ku cad warbixintaan ay sheegaysaa in isbedel lagu sameeyo tiknoolajiyada adduunka jirto oo dhan sida

Isticmaalka

  • Shidaalka noocyadiisa kala gedisan
  • Gawaarida iyo shidaalka ay isticmaalaan
  • Diyaaradaha iyo shidaalka ay isticmaalaan
  • Maraakiibta iyo shidaalka ay isticmaalaan
  • Warshadaha iyo shidaalka ay isticmaalaa
  • Guryaha iyo kululaytooda waqtiga qaboobaha

Isbedelkaan wuxuu saameeyn ku yeelan doonaan dhamaan shicibka reer Nederland yar iyo weeyn xagga dhaqaalaha oo dowlada ay soo rogi doonto sharciyo cusub oo dadka ku qasbi doona in ay isticmaalaan in la isticmaalo [Renewable Energy] waxay ugu yeereen ee sida Qorraxda, Dabaysha oo sida aad meelo badan oo Nederland ku arragtaan in ay jiraan marawaxadaha wareega ee dabaysha koronta looga dhaliya ee loo yaqaan Windmills, iyo Solar Energy/ panels ama muraayadaha cadceeda quwada korontada ka dhaliyo.

Dad badan ayaan awoodin in ay iibsadaan gawaarida korontada ku shaqeeyo oo ay dowlada iyo shirkadaha sameeyo u gurbaan tumayaan iyagoo ku andacoonayo in ay adduunka cimiladiisa ku badbaadinayaa taasoo xaqiiqda ka fog ee ah oo kaliya sidii xoolaha iyo qaniimada shicibka Nederland loogu caburin lahaa.

Sharikadaha waaweeyn ee sameeya tiknoolajiyadaan ayaa dowlada balanqaadyo dahsoon oo aan horay loo sii shaacin dowlada uga codsadeen in ay dowlada dar dargaliso sidii sharciyo dadka ku qasbaayo in la isticmaalo tiknoolajiyada sharikadahaan sameeyo marawaxadaha dabaysha ka dhaliya korontada, muraayadaha cadceeda  u badala quwada korontada iyagana iyadoo marmarsiiyo laga dhiganaayo waxaan badbaadinaynaa cimilada iyo jiilka danbe ee naga danbeeyo.

Renewable Energy Quwadaha dabiiciga
  • There are many forms of renewable energy . Most of these renewable energies depend in one way or another on Sunlight. …
  • Solar. …
  • Wind Power. …
  • Hydroelectric energy. …
  • Biomass is the term for energy from plants. …
  • Hydrogen and fuel cells. …
  • Geothermal power. …
  • Other forms of energy.
Quwadaha laga dhaliyo ama laga helo dabeecada waxaa ugu weeyn quwada laga helo cadceeda ama qorraxda, Dabaysha, biyo dhacyada, quwada laga dhaliya qashinka dhirta[Biomass], Haydarojiinka, Geothermal iyo quwada Nukliyeerka

Quwadaha Alle ku manaystay  dadka iyo duunyada adduunka ku nool oo raxmadiisa, khadarkiisa iyo dulqaadkiisa aan ku helno qaarna waa kuwa noo cad qaarna waa kuwa xigmadooda iyo aqoonteeda aan ogayn cidii uu Alle garadsiiyana ay garankarto cidii uu Alle ka jeedsana aysan waligeed heleyn.

Quwadaha dabiiciga ee Alle dadka iyo duunyada ku manaystay waa kuwa wanaagsan in la iscticmaalo laakiin la iskuma halayn karto maadaama ay ku xirantahay ilaysa cadceed iyo dabaysha oo labadooda ay isbdedelaan iyadoo ku xiran hadba xilliga lagu jiro. Maalmo ay dabaysha xawaaraheeda sarayso ayaa jirto iyo maalmo dabayshu ay istaagto, sidoo kale ilayska cadceed mar mar ayaanba la arag waxay dhaliso daaye. Waxaa  kaloo intaas dhaafsiisan tiknoolajiyada quwad ka dhalinta quwadaha dabiiciga wali ma gaarin horumar la isku halayn karo oo wali kobcin badan ayaa u dhiman oo aan wali la gaarin.

R/wasaare Mark Rutte oo warbixinta isbedelka cimilada faragelin ugu sameeyey si qayaano ah

Isniin 27 Maajo 2019 JSN:  R/wasaare Mark Rutte ayay ku eedeeyeen xisbiyada mucaaraadka Nederland  in uu faragelin iyo cadaadis ku saaray si dib loogu dhigo warbixin ku saabsanay isbedelka cimilada ee loo yaqaan [Climage change] taasoo ay ku tilmaameen in ay wiiqayso baarlamaanka dimoqraadiyada ee wadanka Nederland.

Waxay ay ahayd in warbixintaa la soo bandhigo maalinta looga yaqaan Nederland [Prinsejesdag] si loogu gorfeeyo loogana dooda macluumaadka ku saabsan isbedelka cimilada aqalka labaad ee baarlamaanka Nederland ee [Tweede kamer].

Waxay xisbiyada mucaaraadka Nederland [GroenLinks, PVV, PvdA en Forum voor Democratie] ka muujiyeen walaac in R/wasaare Mark Rutte uu cadaadis iyo faragelin ku sameeyo warbixin ay ahayd in uu  la wadaago xildhibaanada baarlamaanka Nederland ayna ka codsadeen in Mark Rutte uu  jawaab ka bixiyo sababata kaliftay in uu is hortaago dibna  u dhigo taasoo ay ku tilmaameen in ay tahay tacadi iyo ku takrifal awoodeed.

Isbedelka cimilada ee loo yaqaan [Climate change ama klimaatverandering] ayaa ah mowduuc la isku khilaafsanyahay oo ay dowlada Mark Rutte ay rabto in ay hirgeliso iyadoo ku doodayso in ay lagama maarmaan tahay in wax laga qabto iyadoo nasiibdaro cimilada maalin walba is bedesho wax ka qabadkeeda Alle kor ahaaye kaligiis hayo oo ay bani aadamka gacantiisa ku jirin.

Isbedelka cimilada ayay maalqabeenka ku rabaan in ay ku dhacaan xoolaha dadweynaha adduunka qaasatan kuwa Nederland iyo Midowga Yurub intiisa kale sababtoo ah haddii ay hirgasho waxa a imaan doona in sharciyo cusub oo aan xaqiiq, sharciga  iyo cilmi aan ku salaysnayn. Culumadada sayniska ee khubarada ku ahna intooda badana ay isku khilaafsanyihiin kuwana lacago intay qaateen aqoontoodii galiyey musuq maasuq maaldoon halka kuwa kale diidan yihiin oo ay walaac ku muujiyeey in cilmiga iyo siyaasada la kala saaro.

Waxaa sida hadaba ka jirto magaalooyin ay ka mid yihiin London lagu soo rogay in baabuurta lagu soo rogay in ay maalinwalba oo ay galayaan bixiyaan lacago dhan 24 Ginigi Ingiriiska ah iyadoo wax cilmi, sharci aysan ku dhisnayn marka laga reebo in dhaqaale laga helo.  Nederland ay dowlada R/wasaare Mark Rutte ay ku talo jirto iyadoo gabaadsanaayo isbedelka cimilada lagu soo rogo magaalooyinka waaweeyn ee Nederland in gawaarida lacag ku galaan dhamaantood marka laga reebo kuwa korontada ku socdo,  kuwaasoo beecoodu khaali yahay dadka intooda badana aysan awoodin tiknoolajiya ahaan wali aan la isku halayn karin maadaama baabuurka kaaga baahanyahay in la kaarikeeyo mudo 8 saacadood ah masaafada uu socon karana ay xadidan tahay, laakiin hadafka laga leeyahay ay tahay in shicibka masaakiinta ah xoolahooda lagu boobo iyadoo cimilada cid aan Illaah ahayn ee wax ka qabankarto aysan jirin.

 

 

Xiriir la leh qormadaan

Eraybixin:  Climate Change  isbedelka cimilada

Klimaatverandering:  isbedelka cimilada

 

Haddii markaad akhriso qoraalka aad su’aalo, talo soo jeedin fikradcelin iwm ah, fadlan halkaan noogu soo gudbi adigoo mahadsan

Joornaalka Soomaalida Nederland

www.somculned.nl