JSB Talaado 13-12-2011 Nin aan la aqoon haybtiisa balse la sheegay in uu Talyaani cadaan ahaa ku toogasho ku dilay garab rarato reer Senegaaal oo jidadka magaalada Florence ee wadanka Talyaaniga ku dilay iyadoo la sheegay in dad goob joog ahaa ay sheegeen

 

In ninkaan dilka gaystay uu si ku talogal ah uu u bartilmaamadeystay madoowgii garab raratada ahaa ee suuqa wax ku gadaysay halkaasna uu xasuuq ka gaystay isagoo aan u aabo yeelayn cidii ka hor imaato. Ninkii xasuuqa gaystay ayaa la sheegay in waxyar ka dib xasuuqii uu gaystay is dilay. Ninkaas waxaa lagu magaacaabi jiray Gianluca Casseri,oo 50 jir ahaa.

Waxaa kaloo maanta ka dhacay weerar bam lagu weeraray magaalo ka tirsan wadanka Beljamka ee la yiraa Luik. Weerarkaan waxaa ku dhinta 4 qofood oo uu ku jiro ninkii weerarka geeystay.

 

JSB

Daud