JSB Talaado 13-12-2011: Bilahahan danbe waxaa ka socday aqalka labaad ee barlamaanka Nederland dood ku saabsan in sida ay u qashaan xoolaha Muslimiinta iyo Yuhuuda ay xanuun badan kala kulmaan haboona tahay in lagu duro cirbada kabaabyada ka hor inta aan la qalin.

Doodan waxaa u olalaynayey xisbiga u dooda xuquuqda xoolaha Nederland oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan De Partij voor de Dieren (PvdD) The party of Animals. 

Dood uu ka yeeshay aqalka koowaad ee barlamaanka Nederland ayaa xisbiga xoolaha uu waayey taageeradii uu filayay in uu ka helo xisbiyada shaqaalaha(PVDA),xisbiga liberaalka(VVD) iyo xisbiga CDA.

Waxaa ka dooday oo ku tilmaamay in haddii laga mamnuuco Muslimiinta iyo Yuhuuda in ay u qashaan sida ay diintooda dhigayso ay wiiqayso xorriyada diimeen ee labada qowmiyadood ee Yuhuuda iyo Muslimiinta Nederland.

Doodii ka dib waxaa gaashaanka loo daruuray codsigii xisbiga xuquuqda xayawaanka lana ansixiyey in ay Muslimiinta iyo Yuhuuda loo oggolaaday in ay u qashaan xoolahooda sida ay  dhigayso diintooda.

 

JSB