Duuliye ciidanka cirka Nederland oo 6 sanno xarig lagu xukumay
|
JSB Arbaco 14-12-2011: Duuliye ciidanka Nederland oo ku duuli jiray diyaarada dagaalka noocooda F 16 ayaa maxkamad ku xukuntay lix sanno oo xarig ah ka dib markii lagu qabtay isagoo diblomaasi Ruush ah kula balamay magaalada Scheveningen ee Nederland.

Ninkaan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Chris V oo horay uga mid ahaa ciidanka cirka ee Nederland oo ka qaybqaatay howlgalo ay gashaanbuurto Naato ka fulisay wadanka Nederland ayaa waxaa lagu eedeeyey Chris V in uu duubtay filimo isagoo ka qaybqaadanayo howlgalo ciidan oo ka dhacay wadanka Afganistaan.
Duuliyahaan ayaa gurigiisa laga helay macluumaadyo qaas ah oo ay ahayd mamnuuc in uu ku kaydsado gurigiisa. Maxkamada waxay u cuskatay in faylal uu ku kaydsaday kombiyuutarkiisa cd yo iyo dvd oo sir u ahayd dowlada Nederland laga helay inkastoo macluumaadka diyaarada F 16 laga heli karo meelo badan oo Internet-ka ah Chris V. wuxduu ku andacooday in uu la kulan dibloomaasiga Ruushka uu su aalo ka weydiin lahaa shil diyaaradeed oo ka dhacay Poland sannadkii 2009 balse maxkamada ay ku diiday oo ayna ku xukuntay 6 sanno oo xarig ah.
JSB
Daud
| < Prev | Next > |
|---|
