Masar oo walaac ka muujisay buug cusub oo uu wilders soo saari doono
|
JSB: Masar ayaa walaac ka muujisay buug cusub oo uu soo saari doono hogaamiyaha xagjirka ah ee shaqada ka dhigtay Muslim nacaybka ee xisbiga xorriyada PVV ayaa ku mashquulsan buug uu ku dhaleecaynayo diinta Islaamka iyo Muslimiinta
Hogaamka oo dhiyaha xisbigaan ayaa shaqo ka dhigtay in uu ku tilmaamo diinta Islaamka mid ku ah khatar adduunka qaasatan Yurub isagoo marwalba soo qaato waxyaabo ka fog xaqiiqda rasmiga ah oo aan matalin Muslimiinta adduunka
Geert Wilders
Buugan oo la filayo in uu soo baxo horaanta sannadka 2012 ka. Dowlada Masar ayaa u diiday Raymond de Roon oo ka tirsan xisbiga PVV dal kugal ama fiiso wadanka Masar ka dib markii uu ku eedeeyey Masar in ay xasuuq ku hayso masiixiga kobtiga reer Masar. Tani waxay ka caraysiisay dowlada Masar oo go'aansatay in ay u diido in Raymond de Roon wadankeeda booqasho ku yimaado.
Xisbiga PVV oo uu hogaamiye kaligii taliye Geert Wilders oo xisbigiisa bartilmaameed ka dhigtay ku xadgudubka, aflagaadada Muslimiinta iyo diintooda oo badanaa dhaleeceyntiisa aysan ku dhisnayn mid cilmi ah dhinacyadiisa sayniska diini ah iyo cilmiga madaniga
| < Prev | Next > |
|---|
