Sicir barar dhaqaale oo laga digay sannadka 2012
|
JSB Khamiis 15-12-2011: Sicir barar, shaqo la'aan iyo busaarada dhaqaale ayaa lagu shaaciyey saxaafada wadanka Nederland oo ay shaaciyeen dowlada Nederland iyo xafiiskeeda dhexe ee qorshaynta ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan CPB [Central Plan Bureau]
Wasiirka maaliyada De Jager ayaa diiday in uu sheego talaabooyinka dowlada kabineetka Mark Rutte ay qaadi doonto iyadoo la ogyahay in ay dowlada samayn doonto tashiil dhimid dhaqaale oo hor leh balse ay ka cabsi qabto in ay ku weyso kalsoonida shicibka Nederland oo haddii ay dhacdo doorasho xisbiyada hadda majaraha Nederland hayo ay u badantahay in aysan ku guuldaraystaan
Dad badan oo isugu jira kuwa khabiir ku ah dhaqaalaha gudaha iyo dibada Nederland in ay aaminsanyihiin in lacagta Yuurada ay keentay busaarada dhaqaale oo wadamo badan kicisay marka cimrigeeda soo afjarmi rabo.
Nedelrand waxaa uu sheegay xafiiska qorshaynta Nederland CPB in uu dhaqaalaha uu hoos u dhici doono 4.1 % sannadka 2012 oo ay ka dhimantahay 16 beri oo kaliya. Shaqo la'aanta waxaa la sheegay in ay kordhi doonto maadaama la filayo shirkado badan oo isugu jira kuwa dowli ah iyo kuwa gaar loo leeyahayba ay ku talo jiraan in ay yareeyaan shaqaalahooda. Shaqaale badana shaqada laga ceyrin doono.
Maalqabeenka Nederland ayaa maalkooda 5.6 % kordhay halka dhamaan dadweynaha ay la il daran yihiin shaqo la'aan iyo adeegyadii ay dowlada uga barteen oo ama la joojiyey ama guud ahaanba la joojiyey.
JSB
Daud
| < Prev | Next > |
|---|
