JSB Khamiis 15-12-2011: Madaxweynihii hore Faransiiska Mudane Jack Chirac ayaa maxkamad ku taal magaalo madaxda Faransiiska ee Baariis ay ku xukunktay labo sanno oo xarig ka dib markii lagu helay musuq maasuq iyo abuuritaan shaqooyin uu ku kobcinayay xisbigii uu ka tirsana mar uu ahaa duqa magaalada ee xarunta wadanka Faransiiska sannadihii  1977 ilaa 1995.

 

Tani waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee madaxweyne Faransiis ah la maxkamadeeyo hadana lagu helo eedaymo ka dhan ah sharciga Faransiiska.

Jack Chirac wuxuu madaxweyne ka ahaa Faransiiska 1995 ilaa 2007. Ma joogin markii maxkamada xukuntay oo la sheegay in isagoo 79 jir ah uu la il daran yahay xanuunka ilowshaha oo uu xasuustii dhumiyey.

JSB

Daud