JSB Khamiis 15-12-2011 Ciidamada Maraykanka oo sagaal sanno mudo laga joogo xoog ku qabsaday wadanka Ciraaq madaxweynihii Ciraaq Saddaam Xuseyna qaarijiyey isagoo isaga horkeenay bulshada reer Ciraaq Sunno iyo Shiico oo dagaalo qaraar la isaga horyimid oo lagu hoobtay.

 


Dagaaladaan lagu hoobtay ayaa waxaa ku dhintay dad aad u faro badan oo shicib iyo ciidan isugu jira ciidamadii wadanka Ciraaq oo ahaa kuwa aad iyo aad u awood badan ayaa siday u dhanyihiin la burburiyey lana kala diray.Waxaa la bililiqaystay khaniimadii uu lahaa wadanka Ciraaq oo uu ka mid ah musayamkii taariikhiga ahaa oo yaaleen kitaabo caan ah oo diinta Islaamka ah.

 

Maraykanka iyo Caadadiisa been abuurka

Maraykanka sida caadadiisa ahayd meel adduunka uu galay oo u nabad ka abuuray ma jirto oo ay ka mid yihiin dagaaladii uu ku weeraray Kuuriya oo uu kala qaybiyey koofur iyo waqooyiga Kuuriya. Waxaa kaloo uu Maraykanka dagaal aan cadaalad ku dhisnayn ku qaaday wadanka Fiyatnaam oo dad badan ku gumaaday isagana ciidamo badan uga dhinteen.

Qaramada midoobay iyo waaxyadeeda kala gedisan ayaa badanaa laga soo dhamaystaa qaraaryo loogu gogol xaarayo in lagu weeraro laguna bililiqaysto dunida 3aad iyo Carabta oo caado u noqotay wadamada Yurub iyo Maraykanka iyo gaashaanbuurtooda Naato.

Dagaalkii Ciraaq lagu qaaday waxaa uu Maraykanka ku eedeeyey in Saddaam Xusseyn uu lahaa hubka wax gumaado ee loo yaqaan WMD oo ugu danbayntii noqday been abuur.

Qaramada midoobay waxay soo saartay qaraaryo ka dhan ah dagaalkii Ciraaq in lagu qaado loogu gogol xaarayey oo sagaal sanno ka dib lasoo afjaray. Cuqabatayntii qaramada midoobay ay kusoo rogtay Ciraaq waxaa ugu dhintay carruur reer Ciraaq ah oo 5 malyuun kor u dhaafay daawo la'aan iyo darxumo. Yaa loo haystaa arrintaan ? Aaway maxkamda caalamiga ah ee Hayg ?