Nederland oo lagu dhaleeceeyey la dhaqanka dadka wadan laawayaasha ah
|
JSB Jimco 16-12-2011 Qaramada midoobay xafiiskeeda qaxootiga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa ku dhaleecaysay Nederland in ay si taxadir ah ula dhaqanto dadka dowlada laawayaasha ah oo ay badanaa ku kalifto dadka jiritaanka wadankooda baaba ay sida Yugoslaafiyada hore oo horay u ahayd jamhuuriyado isu taga.

Yugoslaafiyadii hore dagaale sokeeye ka dib waa ay kala go'een oo maanta ma jiro wadan la yiraa Yugoslaafiya. Nederland waxaa lagu eedeeyey in ay iska dhagatirto iyadoo og xaalada dhabta ah oo halkii ay uga qori lahayd diiwaanka dowladaha hoose staatloos/stateless badanaa ku qorto onbekend/unknown cid aan la ogayn halka uu ka soo jeedo.
Sannadkii 2010 waxaa la diiwaangeliyey in 2000 qofood ahaayeen kuwa wadan laawayaal ah, halka 83000 qofood lagu diiwaangeliyey in onbekend/unknown. oo ay u badan tahay Soomaalida in dhamaan 30,000 ee ku nool Nederland ay ugu diiwaangishan yihiin onbekend aan la aqoon halka ay ka soo jeedaan wadan ahaan.
Nederland oo ah wadan khani ahaan dhaqaale ahaan ayaa kabineetka wadanka majaraha u hayo oo uu raisalwasaaraha ka yahay Mudane Mark Rutte ee xisbiga liberaalka[VVD] axdiga uu kula jiro xisbiga xagjirka ah ee PVV ay kula heshiiyeen in la yareeyo dhamaan soogalootiga qaasatan kuwa ka yimid wadamada dunida saddexaad qaasatan kuwa laga soo barakiciyey wadamada Muslimiinta oo markii hadafkii laga lahaa laga gaaro lagu bilaabo in eedaymo loo raadiyo saxaafadana loo isticmaalo in laga baahiyo dhibaatooyinkooda oo aan marnaba la soo bandhigin waxqabadkooda maxsuulkiisa.
Wadamo badan oo adduunka ah ayaa kala go'ay sida midowgii Sofiyeeti oo u kala go'ay wadamo yar yar oo haddii qof dukumentiga uu haysto uu yahay tusaale midowgii Sofiyeeti uu yahay qof aan lahayn wadan illeen midowgii Sofiyeeti ma jiro oo waxaa la kala diray madaxweynihii ugu danbeeyey ee midowgii Sofiyeetiga Michail Gorbachov.
Dhibaatooyinka la soo darsa dadka dowlad laawayaasha ah waxaa ka mid ah haddii la qabto oo la weydiiyo aqoonsi badanaa laga diido kan ay haystaan sidaasna ku galo xabsi mudo ka dib waa la soo sii daayaa illeen wadan loo tarxiili karo oo oggolaanayo ma jiro ugu danbayntiina xabsiga ayaa laga sii daayaa iyagoo banaanka ku soo dhaco oo aan wax xuquuq ah aan lahayn wax ma baran karaan shaqo warkeedba iska daa. Qaramada midoobay waxay ugu baaqday Nederland in ay wax ka badasho sida ay ula dhaqanto dadka dowlad laawayaasha ah oo wadankii ay horay uga soo jeedeena uusan jirin.
JSB
Daud
Afeef : Cidii su'aal qabto, ama aragtay khalad fadlan ha ila soo xiriirto iyadoo iigu soo hagaajinayso This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|
