Warbixinta iyo baaritaanka Deetman ee faraxumaynta carruurta ee Katooliga
|
JSB Jimco 16-12-2011: Warbixin uu soo saaray nin la yiraa Deetman oo loo xilsaaray in uu soo baaro faraxumaynta iyo kufsiga carruurta ee kaniisada Katooliga sannadihii 1945 ilaa 1981 ayaa ku soo gabagabeeyey warbixinta baaritaankiisii oo maanta la shaaciyey in ku qasbida wadaadada Katooliga ee ah in aysan guursan xiriir galmana aynaan yeelan ay tahay mid keeni karta in wadaada ay fududayso in ay ku dhaqaaqaan faraxumaynta carruurta loo dhiibo.
Kaniisada Katooliga oo xaruntooda tahay Vatican City Roma uuna madax u yahay Boobka 16 aad ay la soo darseen ceebo iyo fadeexooyin la xiriirta ciyaalka lagu aaminay ay faraxumeeyaan oo adduunka meelo badan oo ay ka jiraan lagu arkay. Fadeexadaan ayaa ah mid ka timaada marka carruurta lagu aamino wadaado loo diiday in ay guursadaan taasna ay abuurto in ay carruurta faraxumeeyaan.
Baaritaanka iyo warbixita Deetman ayaa sheegtay in wadaada waaweyn ee kaniisadaha Nederland ay ogaayeen in ay jiraan faraxumaynta carruurta balse ay indhaha iyo dhagaha ka furaysteen oo halkii laga rabay in ay u gudbiyaan Biliiska qariyey dadka la faraxumeeyey ayaa la sheegay in ay gaaraayaan 10,000 ilaa 20,000 carruur ahaa balse hadda waayeel ah.
Kaniisada Katooliga waxay u qondeeysay in dadkaan la faraxumeeyey ay siiso magdhaw lacageed oo kala gedisan.
Halkaan ka akhriso maqaaladii hore arrimaha diinta: related items read under here
Wadaad Masiixi ah oo 46 sanno ka dib laga mamnuucay kaniisada
| < Prev | Next > |
|---|
