Alaabihii Khadaafi oo dib loogu celin doono Liibiya
|
JSB Jimco16-12-2011: Alaabo uu lahaa Madaxweynihii hore ee Liibiya marxuum Mucamar Khadaafi oo lagu soo bandhigay magaalada Breda Nederland ayaa safiirka Liibiya uga wakiilka ah beri oo sabti ah lagu wareejin doonaa si uu ugu celiyo Liibiya.
Alaabahan uu lahaa Madaxweynihii hore ee Liibiya marxuum Mucamar Khadaafi ayaa waxaa soo bililiqaystay isagoon cidna kala tashan wariye Harald Doornbos kuna soo bandhigay magaalada Breda isagoo ku andacoonaya in uu soo caymiyey Liibiya oo ay u badnayd in la gubo.
Harald Doornbos
Alaabaha oo u badnaa sawiro ayuu wariyahaan isagoon cidna kala tashan ka soo bililiqaystay magaalada Sirta khasrigii Khadaafi ee Liibiya.
JSB
Daud
| < Prev | Next > |
|---|
