19 Soomaali maxbuus ah oo xaakim maxkamadeed amray in si deg deg loo sii daayo
|
JSB Jimco 16-12-2011 19 Soomaali ah oo xabsi ku jiray oo tarxiil sugayaal ah ayaa maxkamad ku taal magaalada Den Haag uu xaakimkii maxkamada amray in si deg deg ah looga sii daayo xabsiga ay ku jiraan oo ku yaal Ter Apel oo ah xarun lagu qaabilo dadka magangalyodoonka ah oo ku taal gobolka Groningen
Waxaa kaloo a u badan tahay in ay helaan magdhaw intii ay ku jireen xabsiga. Go'aankan waxaa go'aamiyey maxkamada ku taal magaalada Den Haag Nederland khamiistii 15-12-2011.
19 kan Soomaalida ah ayaa la diiday dacwadoodii qaxootinimo ka dibna ay jimcihii la soo dhaafay ay ka gadoodeen oo banaanbax ka dhigeen Ter Apel oo halkaas lagu xiray iyagoo tarxiil sugayaal ah. Laakiin waxaa adkaatay sidii loogu celin lahaa Soomaaliya oo dagaal sokeeye iyo amni daro ka jirto ilaa sannadkii 1991.
Maxkamadaan qaybteeda go aamiso arrimaha dadka ajnabiga ah ee magangalyo doonka ayaa sheegtay in go'aanka uu cuskaday wasiirka wasaarada magangalyoonka iyo socdaalada mudane Gerd Leers uu ahaa mid aan sal lahayn illeen Soomaalida Nederland waa ay u aqoonsantahay in ay qaxooti yihiin suurtogalna aysan ahayn in lagu celiyo Soomaaliya taasna ay abuuri karto in qaxootiga ay banaanka ku soo dhacaan oo ay noqdaan darbi jiif taasoo aan u wanaagsanayn dadka ay qusayso ee qaxootiga ah iyo Nederland sumcadeeda adduunka.
Hay ada IND ga ayaa sheegtay in ay racfaan ka qaadanayso go'aanka maxkamada ku go'aamisay in 19 Soomaalida xabsiga laga sii daayo lana siiyo magdhaw dhaqaale intii ay xabsiga ku jireen.
Urur la yiraa Inlia oo ay iska leeyihiin qolyo masiixi ah ayaa sheegtay in go'aankan uu waxba soo korhinayn una badan tahay in 19 Soomaalida ah ay ugu danbayntii banaanka ku soo dhici doonaan oo ay ahaan doonaan kuwa ku nool banaanka oo ah lahayn meel ay ku noolaadaan.
Ururka Inlia ayaa sheegay Soomaali kale oo ay isku dayday in Nederland ay tarxiisho markii ay ku guuldaraysteen oo dib loogu soo celiyey Nederland ay xabsiga dhigtay
JSB
Daud
| < Prev | Next > |
|---|
