JSB Axad 18-12-2011: Waxaa tobodaadkii la soo dhaafay soo baxay baaritaankii mudane Deetman oo loo xilsaaaray in uu soo baaro faraxumaynta  carruurta ee wadaadada kaniisada Katooliga ee Nederland oo laga soo dacwooday oo dad badan oo hadda waayeel ah ay codsadeen in baaritaan lagu sameeyo maadaama la faraxumeeyey markii ay carruurta ahaayeen laguna aaminay iskuulada iyo xarumihii agoonta ee ay kaniisada Katooliga maamulaysay.

 

Kaniisada Katooliga laanteeda diinta Masiixiga oo aaminsan in wadaadada looga baahanyahay in ay ahaadaan kuwa doobnimo waligood ku joogo una go'a caabudka diinta qasabna ay tahay ee ay ugu yeeraan Celibaat/Celipacy. doobnimada wadaadada ayaa abuurtay in ay wadaadada carruurta faraxumeeyaan.

Waxaa lala yaabay oo amakaag iyo fajac noqotay markii la ogaaday in wadaadada ugu waaweyn kaniisada Katooliga ee Nederland la sheegay in ay ogaayeen faraxumaynta carruurta iyo wadaadadii sameeyey ayna ahayd in ay u gudbiyaan biliiska, laakiin ay qariyeen oo dhagaha iyo indhaha ka furaysteen. Warbixinta baaritaankan ayaa sheegtay in la faraxumeeyey dad dhan 10,000 ilaa 20,000 kun oo hadda waayeel ah balse markii ay carrruurta ahaayeen la faraxumeeyey.

Halkaan ka fiirso halkaan riix 

Dacwooyinka iyo ashatakada faraxumaynta wadaadada kaniisada mudo dheer ayay soo socotay oo ay kaniisada isku dayday iyo wadaadadeeda isku dayeen in ay qariyaan laakiin xaq iyo baadhil kala kala fiicane in hadda beentii ay dhamaatay oo xaqii uu soo daahiray.

Ka waran akhristoow haddii ay arrintaan ama fadeexo heerkan gaarsiisan ka dhex dhici lahayd diinta Islaamka yaa soo bixi lahaa oo dhaleeco la soo istaagi lahaa qiyaas adigoo isticmaalaya maskaxdaada haddii aad ogtahay iyo haddii kaleba waxaa soo bixi lahaa carab dheere beenaale xagjire hogaamiyaha xisbiga PVV Geert Wilders.

Ilaa hadda wax aqbaar ah ama fikir la xiriiro fadeexada, faraxumaynta kaniisada war lagama hayo illeen arrinta fadeexo Islaam maahee.

JSB

Miiska Arrimaha diinta

Daud