JSB Axad 18-12-2011 labaatanka shirkadood ee ugu weeyn Nederland oo shaqo bixiyayaalka ah ayaa ku talo jiro in ay dhimaan shaqaalahooda 8 % oo u dhiganta 37,000 shaqaale ah. Waxaa qoray todobaadkii lasoo dhaafay Joornaalka la yiraa Volkskrant oo kasoo baxa Nederland.

 

Shaqo dhimida shirkadahaan waxaa uu joornaalka ku saleeyey baaritaan ay ku sameeyeen 100 shirkadood ee ugu weeyn ee bixiya shaqada wadanka Nederland oo ay ka shaqeeyaan shaqaale dhan 830,00 shaqaale ah.

Halkaan ka fiirso

Wasaarada gaashaandhiga Nederland oo ay ka shaqeeyaan 48,000 shaqaale ah ayaa ku talo jirta in ay tashiil dhaqaale dhan 1 bilyan sameyso, halka biliiska Nederland oo ay ka shaqeeyaan  37,000 shaqaale ah ay ka mid yihiin meelaha la rabo in tashiil dhaqaale lagu sameeyo.

Bangiga Rabo Bank ayaa ah bangi si gaar ah loo leeyahay oo ay ka shaqeeyaan 33,000 shaqaale ah oo shirkada Ahold ku xigto oo leh dukaanka weeyn ee Alber Hein oo ay ka shaqeeyaan 28,000

Nederlanda ayaa ay la soo daristay busaarad dhaqaale oo ay dowlada go'aansatay tashiil dhimid dhaqaale oo gaarayo  28 milyaardi oo sida dhawaan la sheegay loo baahan doono 3 ilaa 5 milyaardi oo dheeraad ah in la sameeyo.

Sida uu sheegay xafiiska dhexe ee qorshaynta ee Nederland ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan CPB shaqo la'aanta waxay dhantahay 5.8 % oo u dhiganta 455,000. Waxaa uu isla xafiiskan saadaaliyey in sannadka 2012 ay gaari doonto 6.5 % shaqo la'aanta.

 

Miiska wararka JSB

Arrimaha shaqada iyo shaqaalaha

Daud