Reer Marookaan ah dhib loo gaystay uga guuray Utrecht
|
JSB Isniin 19-12-2011: Reer asalkoodii hore Marokaan ah ayaa sida uu ku waramay duqa magaalada Utrecht Aleid Wolfsen halkii ay deganayeen ku qasabtay in ay iskaga guuraan ka dib markii dhalinyaro xaafada la degan u tashadeen oo ay dhib qaxar geliyeen. Duqa magaalada Utrecht wuxuu sheegay in biliiska uusan waxba ka qaban
Duqa magaalada Utrechrt Aleid wolfsen
Waxaa horay uga dhacdad qoom luut ah looga dhibaato iyo qaxar badan ka dib go'aansaday in ay iskaga guuraan xaafadii ay deganaayeen. Waxaan la hubin sababta uu biliiska wax uga qaban waayey in ay xiriir la leedahay labada nin ee horay dhib loo gaystay darteed uga guuraan meeshii ay daganaayeen.
Waxaa ka jira Nederland xisbi ku naaxay iska horkeenka qowmiyadaha ku dhaqan Nederland oo badanaa wixii xunba dusha uga rida qowmiyada Marokaanka oo wadanka Nederland ku yimid martiqaad shaqo wixii ka danbeeyey dagaalkii labaad ee adduunka. Muslimiinta iyo muslinka ayuu xisbigaan badanaa ku tilmaama in ay khatar ku yihiin reer galbeedka iyo Nederland oo aan ku salaysnayn dooda iyo eedaha mid cilimi ah.
JSB
Miiska wararka
Daud
| < Prev | Next > |
|---|
