Maxkamada Caalamiga ee ICC oo tashiilka dhaqaale dhib u keeni karo
|
JSB Isniin 19-12-2011: Maxkamada caalamiga ah ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ICC ee fahdigeedu yahay magaalada hayg[Den Haag] ee Nederland ayaa qarka u saaran in dowladihii ka taageeri jiray xagga dhaqaalaha ay la soo daristay busaarad dhaqaale rabana in ay dhimaan qaaraankii ay bixin jireen si ay maxkamada howlaheeda u badan maxkamadeynta dunida 3aad
Waxaa sheegay madaxa maxkamada caalamiga[ICC] mudane Luis Moreno Ocampo oo 120 ka wadan ee xubnaha ka ah u sheegay in misaaniyada ay maxkamada u baahantahay sannadka 2012 ay dhan tahay 120 malyuun, laakiin ilaa hadda misaaniyad dhan 104 malyuun la hayo.

Wadamada ugu deeqsisan oo kala wadamaada Jabaan iyo Jarmalka ayaa sheegay in dhibaatada dhaqaale aawadeed ay rabaan in ay dhimaan qaaraankii ay horay u bixin jireen taasoo keenaysa in ay istaagaan baaritaano badan oo ay maxkamada qaadi lahayd.
Maxkamada caalamiga ah ayaa lagu eedeeyey in ay noqotay meel lagu maxkamadeeyo wadamada dunida 3aad oo kaliya iyadoo dagaalada dadka lagu xasuuqo aan marnaba lagu soo darin wadamada waaweeyn oo geystay dagaalada ka dhan ah xuquuqda insaanka oo ay ka mid yihiin wadanka Maraykanka oo dagaal ku qaaday iyadoo qodobadii loo cuskaday khalad ahaayeen wadanka Ciraaq oo uu Maraykanka sheegay in uu iskaga baxayo oo ay dad badan ku fasireen in Iiraan ay aakhirka la wareegi doonto wadanka Ciraaq oo u badan yihiin Shiicada oo Ciraaq daris la ah. Arrintaan waxaa qaba dhamaan wadamada khaliijka ku yaal iyo dadka khubarada ku ah arrimaha bariga iyo dhexe iyo dunida Carabta.
Waxaa kaloo aan lagu soo darin marka la maxkamadeynayo hogaamiyayaasha dunida 3aad wadamada hubka ku deeqay oo aan badanaa ahayn wadamada dunida 3aad. Akhristoow ma isweydiisay hubkaan tirada badan ee dunida 3aad ay isku laayaan waa la ogyahay halka uu ka yimaado maxaa loogu dari la'yahay in qayb ka yihiin xasuuqa illeen haddii uu hubka jiri lahayn gumaadka iyo dagaalada waa ay yaraan lahaayeen. Tusaale Soomaaliya illaa hadda hogaamiyayaasha dagaal oogayaasha maxkamada kama hadlin oo cid ilaa hadda eed lagu soo oogay ma jirto.
JSB
Arrimaha xiriirka caalamiga
Duad
| < Prev | Next > |
|---|
