Hogaamiyihii Koonfurta Kuuriya oo geeriyooday
|
JSB Isniin 19-12-2011: Madaxweynihii hore ee Waqooyiga Kuuriya ayaa lagu shaaciyey saxaafada wadankaas in uu geeriyooday. Hogaamiyahaan ayaa ku xukumi jiray gacan adag sida ay sheegeen wadamo badan oo midowga Yurub oo walaac ka muujiyey in baratan xukun wareejinta ka imaado taaso sababi karto dhibaato nabadgelyada gobolka wax u dhimi karta.
Madaxweynihii Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-il
Kim Jong iL ayaa xukunka kala wareegay aabihiis sannadkii 1994 ilaa 2011 . Waxaa la filayaa in wiilkiisa uu xukunka ku wareegi doono. Waxaa walaac weeyn ka jiraa haddii sida la filayo xukunka wiilka Kim Jong Il ku wareego oo aan ahayn mid aan lahayn khibradii aabihiis oo inqilaab ka dhaco Waqooyiga Kuuriya oo ah wadan leh hubka Nukliyeerka in dhib ka imaan karo.
Raisal wasaaraha Nederland Uri Rosenthal ayaa sheegay in Kim Jong Il ahaa nin arxan daran oo dadkiisa u daran oo xorriyada ka qaaday reer Kuuriya.
| < Prev | Next > |
|---|
