JSB Isniin 19-12-2011: Dukaamada waaweyn ee Nederland ayaa filayaa in ay u soo xarooto lacag dhan 800 malyuun oo Yuuro ah ciida Kirismaska iyo sannadka cusub  ee 2012 oo ay naga xigto wax ka yar labo todobaad. Waxaa kaloo la filayaa 750,000 ay fasax iyo tamashle aadi doonaan.

 

Wadamada loogu jecelyahay fasaxyada ciidaha Kirismaska iyo sannadka cusub ayaa ah wadamada Jarmalka, Beljam iyo Austria . Nederland waxaa ay ku jirtaa busaarad iyo tashiil dhimid dhaqaale oo ay dowlada raisalwasaare Mark Rutte ku dhawaaqday in ay sameeyn doonto 28 milyaardi inkastoo la filayo in loo baahnaan doono tashiil dheeraad ah maadaama dhaqaalaha uu is bixin waayey.

Raisalwasaara Mark Rutte ayaa loo doortay siyaasiga sannadka 2011markii labaad inkastoo qaabka ay  u dhacday doorashada cida dooratay oo  mudan tahay isweydiin sababtoo ah wax uu soo kordhiyey ma jirto illeen wax waa uu ka qaban waayey isaga iyo dowladiisa shaqo laáanta wadanka Nederland oo hadda ku dhaw nus malyuun. In ay dowlada shaqo abuurtana aan looga fadhin oo ay jiraan dad badan oo kacdoon ah oo la baxay occupy wall street kuwaasoo ka gadoodsan sida ay dowlada u cafisay bangiyada iyagoo lacagihii  ay dadka u hayeen lunsaday.

JSB

Daud