Caruurta Nadarland oo dib loogu qori doonin basaboorka waalidkood
|
JSB isniin 19/12/2012
Sharci hirgali doona kuleylaha [samarka] soo socda ayaa sheegaya in aan dib loogu qori doonin caruurta basaboorka waalidkood, iyadoo horay loo oggolaa in waalidka loogu qori karo baasaboorkooda.Waxaa kaloo la oggolaa in carruurta la siiyo baasaboor iyaga u gaar ah oo waalidka uqaadi karaan. Qiimaha baasaboorka ama teesaraha loo yaqaan ID oo ahaa qiimahiisa 9 yuuro ayaa la sheegay in sannadka cusub qiimahiisa noqon doono 30 Yuuro.
Bisha diseembar 2011 ayaa noqotay bisha ugu codsashada badnayd ee baasaboorka iyo teesaraha loo dalbayo carruurta ee dowladaha hoose ee Nederland. Qaar ka mid ah dowladaha hoose ayaa labadii todobaad labo habeen oo dheeri ah ku kordhiyey si ay dadka uga faaiideystaan maalmaha ka dhiman sannadka 2011.
Waxaa kula talinaynaa jaaliyada dadka carruurta leh in ay ka faaiideystaan bishan oo qiimaha teesaraha iyo baasaboorka wali yahay 9 Yuuro oo kaliya.
| < Prev | Next > |
|---|
