JSB Isniin 19-12-2011 Imaam Marokaan ah oo masjid cusub oo laga furi doono magaalada Den Haag oo ay martiqaadeen maamulka masaajidka ayaa wasiirka arrimaha dibada ee Nederland mudane Uri Rosenthal uu sheegay in ay Nederland u diidi doonto in ay siiso fiiso ama dal ku gal haddii uu soo codsado fiiso


 

Uri Rosenthal wasiirka arrimaha dibada Nederland


Wadaadkan ayaa waxaa ka sheegtay kana  muujiyey walaac imaatinkiisa Nederland maadaama lagu soo eedeeyey in uu raali ka yahay farayna in ay banaan tahay in la guursan karo gabdhaha aan qaangaarin 9 jir. Wadaadkan xitaa dowlada Marooko ayaa ku kacday ka dibna u cararay wadadanka Sacuudi Carabiya

Waxay askhtakada ugu daran ka timid haweeney la yiraa Khadija Arib oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan PVDA oo ka codsatay xildhibaanada baarlamaanka Nederland in ay go'aan cad iska taagaan imaatinka imaamkan oo la isku raacay in loo diido in uu soo galo wadanka Nederland.

Wadaadkan la yiraa magaciisa Mohamed al-Maghraoui ayaa la filayey in uu muxaadaro ka jeediyo masjidka la yiraa Al sunnah ee ku yaala magaalada Den Haag 23-12-2011. Ilaa hadda ma samayn codsi fiiso ama dal ku gal wadanka Nederland, laakiin dowlada Nederland ay go'aansatay in ay u diidayso fiisaha haddii soo codsado fiiso Nederland.

 

JSB