JSB Arbaco 21-12-2011 Hans Spekman ayaa ku guulaystay in uu noqdo hogaamiyaha cusub ee xisbiga shaqaalaha ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan PVDA oo ah xisbiga ugu weeyn mucaaradka Nederland

Hans Spekman hogaamiyaha cusub ee xisbiga shaqaalaha


 

Waxaa ku tartamay gudoomiyanimada xisbiga PVDA saddex musharax oo kala ahaa Piet Boekhoudt René Kronenberg iyo Hans Spekman oo aakhirkii ku guulaystay helayna cod dhan 81.8 %.

Hans Spekman wuxuu sheegay in uu aad iyo aad ugu hanweynyahay in uu ku guulaysto gudoomiyanimada xisbiga shaqaalaha ee Nederland.

JSB

Arrimaha Siyaayasada

Daud