JSB Khamiis 22-12-2011: Dowlada Turkiga ayaa ku hanjabtay in ay saari doonto cunaqabatayn wadanka Faransiiska haddii uu aqoonsado sharci cusub oo uu ku doonayo in uu ku ansixiyo inay tahay danbi in la inkiro xasuuqii Armeeniyaanka 1914 -1918.

Raisalwasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan


 

Raisalwasaaraha Turkiga mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa muuiyey in uu ka xun yahay dhibaatadii ku dhacday Armeeniyaanka oo dagaal looga dilay dad badan balse aan lagu tilmaami karin xasuuq. Erdogan wuxuu noqonayaa hogaamiyihii ugu horeeyey ee aqoonsada dhibaatada loo geystay dadkii Armeeniyaanka ahaa.

Faransiisak ayaa sida uu u qabtay majaraha Faransiiska Nicolei Sarkozy dar dar cusub la yimid oo la soo baxay  siyaasado cusub oo aan horay loogu aqoonin Faransiiska sida dagaalkii ugu danbeeyey ee ay gaashaanbuurto Naato ku qaaday Liibiya oo lagu qaarijiyey Khadaafi oo uu Faransiiska hormuud u ahaa.

Turkiga wuu aqoonsaday in la dilay Armeeniyaan laakiin wuu diiday  in xasuuq loo geystay. Dowlada Turkiga ma sheegin nooca ay noqon doonto cunaqabataynta lagu soo rogay Faransiiska balse ilaa hadda ay ku egtahay hanjebaad kaliya. Turkiga waxay u badantahay in uu ka dhabayn doono haddii Faransiiska danbi ka dhigo in la inkiro xasuuqii dadka Armeeniyaanka ah.

JSB

Arrimaha Siyaasada

Daud