JSB Khamiis 22-12-2011: Cirbixiyeenka Nederlandeeska ah ee la yiraa Andrea Kuipers ayaa maanta ka duulay xarunta ay laga tuuro gantaalada qaada cirbixiyeenada ee magaalada Baykanuuur ee Kazachstan saacadu markii ay ahayd arbaco 21-12-2011 14:26.

 

Andrea Kuipers salaanta u sii saaran in uu duulo 21-12-2011

Andrea Kuipers  oo 53 jir waa markii labaad ee uu u duulo xarunta ISS. Wuxuu  noqonaya ninkii ugu horeeyey ee Nederlandees ah ee aado xarunta ISS mudo lix bilood ku maqnaan doono. Mudada uu ku sugan yahay xarunta ISS wuxuu  samayn doono tijaabooyin kala gedisan. Reerka Kuipers ayaa fiirsanayey markii uu duulayey.

JSB

Arrimaha gaadiidka cirka iyo cirbixiyeenimada

Daud