JSB Khamiis 22-12-2011: Maxkamada midowga Yurub ayaa diiday in aan dadka magangalyo doonka ee iska dhiibo wadamada midowga Yurub aan loo tarxiili karin wadamada midowga Yurub ah haddii ay kala kulmayaan dhibaato in si xun loola dhaqmo.

 

Arrintaan ayaa soo ifbaxday ka dib markii ay maxkamada qaaday  dacwada saddex qaxooti ah oo uu rabay in wadanka Ingiriiska u tarxiili lahaa Giriiga oo ay horay iskaga soo dhiibeen, maxkamada ayaa go'aamisay in aan lagu celin karin wadanka Giriiga. Sababtoo ah waxaa cadaatay in ay qaxootigaan kala kulmayaan dhibaato.

JSB

Arrimaha Qaxootiga

Daud