JSB Khamiis 22-12-2011: Ninkii xasuuqa ka gaystay wadanka Norway[ Anders Behring Breivik] samarkii la soo dhaafay baaritaan ay ku sameeyeen dhakhaatiir todobo ah ay ku cadeeyeen in uu nin maskaxda looga jiro yahay oo aan caadi ahayn

 

 


 

Anders Behring Breivik ninkii xasuuqa geystay


Dhakhaatiirta baaritaanka samaysay ayaa ku qancay go'aankii ay uu soo  saarat xaakimka maxkamada kuna cadeeyey in ninkaan waalanyahay oo aan fayoobi lagu tilmaami karin. Anders Behring Breivik halkii laga xiri lahaa waxaa loo gudbin doono xarun dadka waalan lagu xanaaneeyo oo ay u badantahay in inta noloshiisa ka dhiman ku dhamaysan doono.

Fikradaha qalafasan oo ku tilmaamay buuggii uu qoray oo ay ka mid ahaayeen Islaamka iyo waxa uu ugu yeeray in Yurub ay ka tagtay dhaqankii lagu yiqiin ee soo jireenka ahaa iyo u riyaaqii uu riyaaqay oo uu la dhacay qaybo ka mid ah buugiisa fikradaha Geert Wilders oo ah hogaamiyaha xisbiga xorriyada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan PVV oo shaqo ka dhigtay Islaam nacaybka.

JSB

Miiska wararka

Daud