JSB Khamiis 22-12-2011: Wasiirka wasaarada arrimaha bulshada iyo shaqada ee Nederland mudane Henk Kamp ayaa ka muujiyey walaac 12000 dad Yurubta bari ah oo ay u badan yihiin wadanka Poland ay qaataan lacagta daryeelka ee loo yaqaan uitkering cayrta sannad ka horna ay ahaayeen 1070 qofood.

Wasiirka wasaarada arrimaha bulshada iyo shaqada ee Nederland mudane Henk Kamp


Dadka Yurubta bari oo qaar badan dhawaan kusoo biireen midowga Yurub ayaa qabto shaqooyin u badan muruqmaal ah iyadoo mushaarka la siiyana uu aad uga yaryahay kan la siiyo dadka Nederlandeeska ah.

 

Waxaa jira axdi ay wada galeen Midowga Yurub oo dhigaya qofka ka shaqeeyo mid ka mid ah ama gudaha midowga Yurub mudo hal sanno ah uu xaq u leeyahay in haddii uu shaqo beelo uu xaq u leeyahay in la siiyo lacagta daryeelka ee loo yaqaan uitkering-ka .  Arrintaan ayaa ka yaabisay kororka tirada dadka qaata ceyrta oo aan ahayn dhaladka Nederland.

Nederland waxaa ay is hortaagtay in wadamada Rumeeniya iyo Bulgaariya kusoo biiraan axdiga loo yaqaan Schengen oo ah axdi dhigayo in la isu furo xuduudaha wadamada ku wada jira axdigaan. Arrintaan waxay ka caraysiisay labada wadan ee Rumeeniya iyo Bulgaariya oo xiriirkooda meel xun marayo.

Xisbiyo badan oo ay ka mid yihiin xisbiyada VVD, PvdA, PVV, CDA iyo  SP ayaa taageersan in lagu xiro fiiso oggolaansho shaqo wadamada Yurub bari oo ay ka mid yihiin Bulgaariya iyo Rumeeniya. Inkastoo xisbiyada Groenlinks iyo xisbiga D66 ay aaminsan yihiin in shaqaalaha Yurubta bari ay lagama maarmaan u yihiin dhaqaalaha wadanka Nederland oo ay qabtaan shaqooyin uu u baahan wadanka Nederland oo dadkooda ay iska diidan in ay qabtaan oo u badan shaqooyinka muruqmaalka ah oo aan xirfada shaqo u baahanayn

JSB

Arrimaha shaqada

Daud