220,000 tan khashin Talyaaniga oo Nederland koronto looga dhalin doono
|
JSB Khamiis 22-12-2011: Khashin laga keenay magaalada Naboli Talyaabniga, ayaa lagu keeni doonaa maraakiib ka dibbna inta la gubo kulaylka ka dhashana laga dhalin doono koronot loo adeegsado in guryaha loogu isticmaalo koronto ahaan iyo in guryaha lagu kululaysto. Khashinka oo 200,000 tan ah.
Wadanka Talyaaniga oo aan lahayn teknoolajiyo looga faaiideysto khashinka ayaa shirkada Nederlandees ah ay ku heshay qandaraas in khashinka loo soo raro Nederland ka dibna lagu gubo oo koronto laga dhaliyo oo laga faaiideysto.
Wasiirka wasaarada bee ada ayaa siiyey oggolaansho lagu keenayo khashinkaan Nederland iyadoo si taxadar leh ay u kormeeri doonto.
JSB
Arrimnaha degaanka
Daud
| < Prev | Next > |
|---|
