Wasiirka gaashaandhiga Nederland oo dhalinta ugu baaqay adeega bulshada
|
JSB Khamiis 22-12-2011: Wasiirka gaashaandhiga ee Nederland mudane Hans Hillen ayaa sheegay mar lagu waraysaneyey telefishinka RTL 7 in uu taageersanyahay in dhalinyarada ay sameeyeen adeeg bulsho ay ku taageerayaan oo noqon karo mid wax ku ool ah oo u fiican bulshada iyo dhalinyarada laftigooda.
Wasiirka gaashaandhiga ee Nederland mudane Hans Hillen
Nederland waxaaa ay joojisay shaqada qaranka sannadkii 1996, laakiin wasiirka wuxuu sheegay in ay fiicantahay in dhalinyarada ay qabtaan shaqo wax ku ool u ah bulshada Nederland isagoo u soo qaatay tusaale
- Shaqada qaranka
- Daryeelka caafimaadka
- Daryeelka degaanka
Maalgelinta ay dhalinyarada maalgelinayaan xoogooda bulshada waxay dhalinyarada tusaysaa in ay bulshadad Nederland ee ay ka tirsanyihiin ay tahay mid wax ku leeyihiin oo aan laga xigin.
| < Prev | Next > |
|---|
