JSB Khamiis 22-12-2011: Barlamaanka wadanka Faransiiska ayaa sharci cusub oo uu dhaqalgeliyey maanta ku cadeeeyey cidii inkirta xasuuqii Armeeniyiinta oo dhacay sannadihii  1915 ilaa 1918 la mamnuucay inkastoo aan la sheegin qofkii inkira wixii uu ka mutaysanayo sharciga cusub.

DDowlaada Turkiga oo safiirkeedii ka fadhiyey Paris Faransiiska dib ugu yeeratay iyadoo ka caraysan dhaqangelinta sharciga cusub ee mamnuucay inkirida xasuuqa Armeeniyaanka  1915- 1918



Dowlada Turkiga ayaa ku hanjabtay in ay kusoo rogi doonto cunaqabatayn wadanka Faransiiska haddii uu sharcigaan dhaqangeliyo wabixintii hore halkaan ka akhriso. Maadaama uu Faransiiska dhaqangeliyey sharcigaan ayaa waxay xumaynaysaa xiriirka labada wadan ee Faransiiska iyo Turkiga.

Waxaa sharcigaan in la dhaqangeliyo soo jeediyey haweeney [Valérie Boyer] oo ka tirsan xisbiga madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy  oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan (UMP).

Wadanka Faransiiska waxaa ku nool jaaliyada ka soo jeeda asalkoodi hore  Armeeniya oo dhan 500,000 kuwaasoo qayb weyn ka qaatay ansixinta sharcigaan ka dib markii ay codkooda u isticmaaleen danaha Armeeniyiinta .

Turkiga ayaa aqoonsaday in dhibaato loo geystay Armeeniyiinta mudadii ay jirtay boqotooyadii Cusmaaniyiinta balse diiday in xasuuq ba an loo gaystay.

 

JSB

Arrimaha Taariikhda

Daud