JSB Khamiis 22-12-2011: Dowlada Turkiga ayaa ka dhabaysay hanjebaadii ay usoo jeedisay wadanka Faransiika ka dib markii uu Faransiiska ansixiyey sharci cusub oo aqalka baarlamaanka Faransiiska oo dhigaya in la mamnuucay inkirida xasuuqii Armeeniyiinta ee waqtigii dowladii Cusmaaniyiinta sannadihii 1915 ilaa 1918 oo uu dhamaaday dagaalkii koowaad ee adduunka [1914 - 1918].

 


Raisalwasaare Recep Tayyip Erdogan


Faransiiska iyo Turkiga ayaa ka mid ah gaashaanbuurto Naato, xitaa Turkiga wuxuu ku soo rogay wadanka Faransiiska in ay san imaan karin diyaaradaha iyo maraakiibta Faransiiska gabi ahaan gegooyinka diyaaradaha iyo dekadaha Turkiga

Raisalwasaare Recep Tayyip Erdogan ayaa ku sifeeyey go'aanka barlamaanka Faransiiska in ay tahay mid ku dhisan cunusurinimo iyo nacayb oo xiriirka labada wadan meel xun gaarsiiyey dhaawacayna Turkigana uu go'aansaday in uu u jaro xiriirka gabi ahaanba wadanka Faransiiska dhinacyada ganacsiga iyo wadashaqayntii xagga difaaca.

Sharcigaan cusub ayaa waxaa u ololeeyey jaaliyada asalkoodii hore ka soo jeedo Armeeniyiinta Faransiiska oo gaarayo 500,000 armeeniyiin Faransiis ah oo codkooda uga faaiideysta si siyaaso ah oo ay rabaan in ay ku dhibaan wadanka Turkiga.

Akhristoow waxaa la yaab leh in Faransiiska uu ka gaystay adduunka dambiyo ka dhan xuquuqda bani aadamka oo ay ugu danbeysay  weerarkii Liibiya. Bal qaar ka mid ah hoos ka fiirso haba ugu darnaadee dagaalkii xorriyada wadanka Aljeeriya 1954 oo ciidamada Faransiiska ku xasuuqeen dad isugu jira rag, dumar, carruur waayeel kuwaan ma laha miyaa xuquuq.

Sannadka soo socda waxaa ka dhici doona doorasho lagu dooranayo madaxweyne cusub oo ay tahay ujeedada ka danbeysa soo saarka  sharcigaan oo 2001 markii ugu horeysay miiska la soo saaray laakiin lala sugayo in looga faaiideysto doorashada sannadkan 2012-ka oo bulshada Armeeniyaanka ah oo dhan 500,000 go aansadeen in ay siin doono codkooda xisbiga UMP ee madaxweyne Sarkozy.

JSB

Arrimaha siyaasada & Taariikhda

Daud