Faransiiska oo lagu eedeeyey xasuuq Aljeeriya
|
JSB Jimco 23-12-2011: Raisal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyey in Faransiiska uu xasuuq u geystay Aljeeriya dagaalkii labaad ee adduunka oo uu xasuuqay 15 % shicibka reer Aljeeriya oo uu ku tilmaamay xasuuq ka dhan ah xuquuqda insaanka.
Turkiga ayaa u jaray xiriirka wadanka Faransiiska dhamaantiis dhinacyada siyaasada, iyo wadashaqaynta Militeriga maadama ay iskula jiraan gaashaanbuurto Naato. Madaxweyne Sarkozy ayaa diiday mar hore in Turkiga ku biiro midowga Yurub isagoo u cuskaday waxyaabo aan waaqici ahayn, iyadoo taas jirto ayaa hadana waxaa soo baxay sharci cusub oo uu Faransiiska kaga dhigay mamnuuc cidii inkirta xasuuqii Armeeniyiinta 1915-18 oo ay dowlada Cusmaaniyiinta Turkiga u geysteen Armeeniyiinta.
Waxaa sharcigaan in la dhaqangeliyo soo jeediyey haweeney [Valérie Boyer] oo ka tirsan xisbiga madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan (UMP).
Wadanka Faransiiska waxaa ku nool jaaliyada ka soo jeeda asalkoodi hore Armeeniya oo dhan 500,000 kuwaasoo qayb weyn ka qaatay ansixinta sharcigaan balanaqaaday in ay codkooda ugu shubi doonaan xisbiga madaxweyne Sarkozy haddii ay dhaqangaliyaan sharcigaan dambiga ka dhigayo in la inkiro xasuuqii Armeeniyiinta oo qofkii lagu helo mutaysanayo ganaax iyo xarig.
Turkiga ayaa aqoonsaday in dhibaato loo geystay Armeeniyiinta mudadii ay jirtay boqotooyadii Cusmaaniyiinta balse diiday in xasuuq ba an loo gaystay. Riasalwasaare Erdogan ayaa si geesinimo leh ula hadlay dadka Armeeniyiinta una sheegay in ay ku xunyihiin dilkii loo geystay dadka Armeeniyiinta furayna wadahadalo loogu ambaqaadayo in xiriirka labada bulshadood la soo celiyo.
Maxaa dhab ah ka ah talaabada Faransiiska ku dhaqaaqay ?
Faransiiska waa wadan soo gumaystay wadamo badan oo hadda ku hadla afka Faransiiska oo ay ka mid tahay Jamhuuriyada Jabuuti oo uu Faransiiska ka gaystay xasuuq ka dhan xuquuqda bani aadamka iyo meelo kala haba ugu darnaado wadanka Aljeeriya oo la sheegay in uu Faransiiska xasuuqay 15 % dadka reer Aljeeriya.
Raisalwasaare Reccep Tayyib Erdogan ayaa la yimid siyaasad aan horay loogu aqoon kuwii ka horeeyey oo u soo jeestay in uu wax la qabsado wadamada Muslimka halkii kuwii ka horeeyey ay ku mashquuleen sidii ay u raaligelin lahaayeen madaxda midowga Yurub oo shuruudo adag ku xiray sidii ay ugu biiri lahaayeen suuqa barwaaqo sooranka midowga Yurub oo markii ugu danbeysay ku tilmaamay in midowga Yurub yahay kalaab masiixi ah wadan Muslim ahna meel uga banaanayn.
Erdogan ayaa ka dhiidhiyey dhibaatada lagu hayo dadka reer Falastiin oo ay xasuuq ka dhan ah bani aadanimada Yuhuuda ka gaysatay Gaza oo si cad u dhaleeceeyey tanina ay u badantahay in lagu haysto Turkiga sababtoo ah Sarkozy waa nin asalkiisii hore ka soo jeedo Yuhuudii ka soo guurtay wadanka Hungry oo aad ka garan kartid siyaasadaha cusub oo aan horay loogu aqoon madaxweyne Faransiis ah.
| < Prev | Next > |
|---|
