JSB Khamiis 23-12-2011: Baarlamaanka wadanka Surinaam oo ay Nederland horay u gumaysan jirtay oo madax banaanidiisa ka qaatay sannadkii 1975 ayaa ku tilmaamay  in ay tahay mid ku dhisan cunsurinimo go'aansadeena in la mamnuuco.

Madaxweynihii hore ee Surinaam Mudane Ronald Venetiaan


 



Waxaa ayaamahan danbe soo ifbaxayey in dabaaldegaan ay sameeyaan cadaanka Nederlandeeska ah ee ay u dhigaan Sinterklaas uu yahay mid ku dhisan cunsurinimo oo ninka madoow ee loo yaqaan Zwart Piet u adeegayo ninka cad ay diin iyo dhaqan midna shaqo ku lahayn meelo iyo dadyow badan oo adduunka ay isku mar wada arkeen arrintaan cunsurinimada ku dhisan. Kanada ayay ahayd mar dhawayd in ay mamnuuceen jaaliyada Nederlandeeska ah ee ku dhaqan Kanada Maqaalkii Black Peter looga mamnuuca Kanada halkaan ka akhriso

 

Madaxweynihii hore ee Surinaam mudane Ronald Venetiaan ayaa arrintaan u soo bandhigay aqalka baarlamaanka Surinaam kuna tilmaamay in ay ku tahay dadka madoow ee reer Surinaam ay ku tahay arrin aan la qaadin karin kuna dhisantahay cunsurinimo. Waxaa la mamnuucay in xafladaan laga sameeyo iskoolaadka Surinaam.

JSB

Daud