JSB oo u garatay bilad sharafka sannadka 2011 R/wasaaraha Turkiga
|
JSB: Isniin : 2011-12-27: Jaaliyada Soomaalida ee Breda oo ah jaaliyad balaaran oo ku dhaqan magaalada Breda oo ka tirsan gobolka waqooyiga Brababant ayaa waxay u doorteen Raisulwasaaraha Turkiga Receb Dhayib Erdogan in la siiyo abaal marinta sanadka 2011 ee ay bixiso qaramada midoobay sannad waliba bisha maarso.
Geesiga sannadka 2011 Raisalwasaare Recep Tayyip Erdogan
Raisulwasaaraha Turkiga Receb Dhayib Erdogan ayaa muujiyey is xilqaam laga waayey wadamada adduunka oo dhan qaasatan kuwa muslimiinta oo la filayay in ay u damqadaan dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah oo ay la soo darseen abaaro iyo colaad dabadheeraatay oo ay ku kaliftay dad badan in ay iskaga qaxaan halkii ay deganaayeen, taaso sababtay barakac dad badan ay ka barakaceen magaalooyinkii iyo tuulooyinkii ay deganaayeen.
Shicibka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka jiiftay dowladoodii oo laga filayay in ay u damqato shicibkeeda taasoo marwalba sheegto in ay iyaga matalaan, balse ay ka bixi waayeen labada Shariif safaro aan dhamaad lahayn taasoo ka dhigtay labada Shariif kuwa adduunka ugu safarka badan oo ka yaabiyey adduunyada iyo Soomaalida oo dhan.
Labada Shariif waxay ku mashquuleen sidii ay ugu raagi lahaayeen kursiga ay u dhiibteen qolyaha danaha gaarka ah ka leh Soomaalida oo marwalba dhagaha wax loogu soo sheego, waxaa ka mid ah waxyaabahaas waxa ay ugu yeereen
- Roadmap,
- Kampala Accord,
- 4.5
- New constitution Dastuurka Cusub
- Qaybinta, xadaynta iyo iibinta khayraadka Soomaalida
- Wadamada dariska oo Soomaaliya u soo shaqo tagay
Akhristoow ka dhiibo fikradaada aqoonsiga bilada sannadka ee Geesiga sannadka 2011 Raisalwasaare Recep Tayyip Erdogan oo u istaagay m
| < Prev | Next > |
|---|
