Kabtanka kooxda Manchester City ayaa sheegay inuu dareemayo in xilli ciyaareedkan uu yahay xilli ciyaareedkii kooxdiisa Man City. Kooxda Roberto Mancini ayaa hogaanka u haya horyaalka Premier League, waxaana ay labo dhibcood ka horeeyaan kooxda Manchester United.

Iyagoo bishii May soo gabagabeeyay koob la’aantii heysay muddo 35 sanno markaasoo ay ku guuleysteen FA Cup, Kompany ayaa aad ugu faraxsan inay kooxdiisa horumar sameyneyso, waxaana uu ku niyadsan yahay inay kooxdiisa dabaaldegi doonta dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxa uu u sheegay Sky Sports News: “Sannadkan waxaa si gaar ah u cadeynay inaan wadada saxda ah cagta saarnay, taas ayaana muhimada u aragnaa”

“Waxaan fiicnaan laheyd inaan sugi intaan ka hor dhici lahaa, lakiin waxaan jira dareen ii sheegaya in xilli ciyaareedkaan uu yahay kii Manchester City”

“Kuma dhisna xaqiiqda ah inaan heysano ciyaartoy waa weyn ama lacag badan inaan qarashgareynay ee waa awooda koox ahaaneed ee aan heysano”`waaxa so diiyarshey cadil shidane