JSB Arbaco 28-12-2011: 25 Soomaali oo la diiday codsigoodii qaxootinimo ay uga codsadeen Nederland, ayaa iyagoo ka xun ka gadoodeen go aanka ay ka gaartay hay ada IND oo qaabilsan qaabilaada iyo dejinta dadka qaxootiga ah ayaa hor dagay xarunta ugu weeyn Nederland oo la yiraa Ter Apel ee lagu qaabilo qaxootiga Nederland

 

 


Xarunta lagu qaabilo qaxootiga  Ter Apel Groningen Nederland


Nederland ayaa sida ay majaraha u qabsatay dowlada uu raisalwasaaraha ka yahay  Mark Rutte isaga iyo xisbiyada ay xulufada yihiin ee CDA,VVD iyo PVV oo ah xisbi xagjir ah oo cunsuri ah kula heshiiyey in la yareeyo qaxootiga ka yimaado wadamada dunid 3aad qaasatan kuwa muslimka ah oo uu ku tilmaamay hogaamiyaha xisbiga PVV  Geert Wilders ayaa ku tilmaamay duufaanta hirarka wadata ee loo yaqaan Sunaamiga, isagoo xukun doon ah xaqiiqdana ka fog in ay Nederland ku sugantahay khatar uga timidaado muslimiinta.

Dadkana magangalyo doonka ah ee Soomaalida ayaa ku ahaa sharci laawayaal ay dowlada Nederland u diiday in ay siiso wax sharci ama u aqoonsato in ay qaxooti yihiin iyadoo dowlada Nederland ay aqoonsantahay in Soomaaliya dowladeeda ay fashilantay [fail state] cid isku haysatana aysan jirin hadan u kala qaybisay Soomaalida magangalyo doonka ah labo qaybood kuwa ay u diiday sharci iyadoo ku andacoonayso in ay soo mareen wadamo kale oo midowga Yurub ah sida Talyaaniga iyo Giriiga oo farahooda laga helay kombiyuutarka dhexe ee midowga Yurub ku kaydiyaan faraha dadka qaxootiga oo ay wadagaan kuwaan waxaa dib loogu celiyey Talyaaniga qaarna Giriiga iyagoo la ogyahay in ay wadamadaan ay wax xuquuq ah ama daryeel ku haysan oo ay dad badan yihiin kuwa quudiso kaniisadaha katooliga ee Talyaaniga dowlada Talyaaniga ay dhagaha ka furaysatay

Qaybta kale ee ah kuwa toos u yimid wadankaan oo aan wax faro ah laga helin ayaa ayaan daro ku dhacday kuwaasoo wadahadalkii la la yeeshay loo arkay kuwa si uun loo diiday qodobkii la rabo ha loo cuskadee.