JNS Jimco 30-12-2011: Soomaalidii ka gadoodsanayd go aanka dowlada Nederland ee banaanka la dhigay ee loo diiday wax daryeel ah haday noqon lahayd, meel ay ku noolaadaan, daryeel caafimaad, waxbarasho, iyo shaqo ayaa dabayaaqadii bishan diseembar 2011 ayaa wadahadalo badan ka dib oggolaaday in fursadii ay dowlada Nederland u soo jeedisay ee ay ahayd in ay dib usoo codsadaan magangalyo hor leh lana fiirin doono kiiskooda ayaa aakhirkii oggolaaaday ka dib markii duqa magaalada ay banaanbaxa ka samaynayeen Soomaalida uu kula hadlay xarunta lagu qaabilo qaxootiga Nederland ee Ter Apel oggolaadeen in dacwadooda dib loo fiirin doono loona oggolaaday in ay joogaan Ter Apel in ta kiiskooda go'aan laga gaarayo.

 

Soomaalidii gadoodsanayd kuwa kamid ah oo qaboow iyo dhibaato la ildaran

Iyadoo lagu jiro waqtigii qaboobaha ee winterka ayaa waqooyiga wadanka Nederland qaasatan gobolka Groningen uu yahay mid qaboow iyo dabayl iyo roob badan.

Wasiirka wasaarada socdaalka iyo magangalyo doonka Mudane Gerd Leers ayaa arbacadii u soo jeediyey in uu fiirin doono kiiska dadka Soomaalida ah ee gadoodsan oo ku banaanbaxay Ter Apel in ay dib usoo codsadaan magangalyo hor leh oo dibna loo fiirin doono kiiskooda. Dowlada Nederland qaasatan hay ada IND ayaa dadkaan la diiday kiiskooda codsiga qaxootinimo ku andacootay in ay dadkaan iyaga iskooda dib ugu noqdaan Soomaaliya iyagoo og in ay suurtogal ahayn hadana baday dadka Soomaalida ah in ay mudo ka badan 5 ilaa 6 sanno in ay ku sugnaadaan nolol adag oo cabsi iyo murugo leh.

Hay ada IND ayaa culays iyo cadaadis uga yimid xisbiga PVV ee xagjirka ah la gaaray balan ah in la yareeyo dadka ka yimaado wadamada muslimiinta ah iyo dhimida kharashka busaarada dhaqaale ayaa hay adan ay iska indhotiraysaa kiiska Soomaalida.

Soomaalida waxaa kula hadlay xarunta qaabilaada qaxootiga ee Ter Apel duqa magaalada ee Lontien Kompier van Vlagtwedde, oo ay Ter Apel ka tirsantahay.

waa socotaa wixii ka soo baxa la soco

JSN