JSN JImco 30-12-2011: Codsiga teesaraha carruurta 14 jirka ayaa kordhay ka dib markii ay dowlada Nederland shaaca ka qaaday bishii november 2011 in la kordhin doono qiimaha teesaraha  oo hadda ah 9.22 euro, laakiin marka laga bilaabo sannadka cusub  uu noqon doono 30 Euro

 

Teesaraha ama ID

Waxaa kordhay codsiga teesaraha ay waalidiinta u codsanayaan carruurtooda 14 jirka ah oo aan wali qaangaarin. Waxaa soo codsaday dad gaarayo 179.210 qofood. Nederland waxaa qasab ah in qofwalba qaatao aqoonsi haddii lagaa waayo waa ganaax lacageed.

 

JSN