Weeraryahanka Manchester United Federico Macheda Oo Si Amaah Ah Ugu Biiray Kooxda QPR.
|
Weeraryahanka kooxda Manchester United Federico Macheda ayaa si amaah ah ugu biiray kooxda QPR ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. 20 jirkaan ayaa noqonaya saxiixii ugu horeeyay ee kooxda QPR ee bishaan Janaayo, waxaana uu u xiran doonaa kooxda ku ciyaarta Loftus Road numberka 33aad. Macheda ayaa amaah sidaan oo kale ah xilli ciyaareedkii hore la soo qaatay kooxda Sampdoria oo markaas Serie A ka ciyaareysay, waxaana uu haatan rajeynayaa inuu qibrad fiican ka heli doono kooxda galbeedka London ka dhisan.“Tartan badan ayaa ka jira Manchester United, waxaana jooga weeraryahano aad u fiican” ayuu Macheda. “Lakiin aniga weli waan da’ yarahay waxaan u baahanahay qibrad badan oo la xiriirta Premier League. Halkaan waxaa u joogaa inaan si aad ah tababar u qaato, waxaana rajeynayaa inaan qeyb ka qaadan doono kulamada kooxda..Macheda ayaa ciyaari kara kulankiisa ugu horeeya ee QPR kulanka ay maanta la ciyaarayaan kooxda Norwich City.
| < Prev | Next > |
|---|
