Santi Cazorla: Real Madrid Waa Kooxda 2aad Ee Ugu Fiican Adduunka, Barca Kaliya Ayaa Ka Horeysa.
|
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Malaga Santi Cazorla ayaa ka hadlay fekerkiisa ku saabsan in Real Madrid ay tahay kooxda labaad ee adduunka ugu fiican, kaliyana Barcelona ay ka horeyso.Kooxda Malaga ayaa habeen danbe waxaa ay geesaha isgelin doonaan Madrid kulanka lugta hore ee Copa del Rey,
Cazorla ayaana sii kicinaya xiisaha kulanka wareega 16ka ee Copa del Rey.“Kulankaas indhaha ayaan ku heynaa, waxaana inaga dhaadhacsan inaan natiijo fiican ka heli karno. Waan ognahay dhib ayay nagu noqon doontaa lakiin fursad ayaan heysanaa hadii aan ciyaarteena ugu fiican la soo baxno” ayuu Cazorla u sheegay Marca.“Fekrad ahaanteyda, Real Madrid waa kooxda labaad ee ugu fiican adduunka, waxa ay ka danbeysaa Barcelona. Mar kasta qaab ciyaareedkooda lagu yaqaano kama degaan. Waxa ay inoo noqon doontaa kulan adag oo aan marti nahay, lakiin waxaan rajeyneynaa in lugta labaad ka hor aan natiijo fiican helno..Kulanka Santiago Bernabeu ka dhaci doona habeen danbe, waxa uu bilaaban doonaa 00:00 habeenimo xilliga Soomaliya.
| < Prev | Next > |
|---|
