Ciyaaryahanka Kooxda QPR Adel Taarabt Oo Loogu Yeeray Xulka Dalka Marocco.
|
Tababaraha xulka qaranka dalka Morocco Eric Gerets ayaa u yeeray ciyaaryahanka kubbad sameeyaha ah ee kooxda Queens Park Rangers Adel Taarabt iyo ciyaaryahanka qadka dhexe ee Anzhi Makhachkala Mehdi Carcela kooxdiisa xulka qaranka dalka Marocco ee ka qeybgalaya tartanka koobka qaramada Afrika. Taarabt ayaa dib loogu yeeray xulka Morocco bishii October balse wuxuu ka tegey xulka dalkiisa markii laga dhigey keyd kulan dhex maray xulka dalka Morocco iyo Algeria taasoo ku dhamaatay 4-0.Gerets ayaa sidoo kale xulka dalka Morocco waxa uu ku soo daray Carcela kaasoo u saftay labo kulan xulka qaranka dalk Belgium kahor inta uusan ka helin fasax FIFA in uu dhalashadiisa u wareegsado wadanka ay ka soo jeedo hooyadiisa. Tababare Carcela ayaa hore ugu suurtogashay in saddex koob uu u qaado wadanka ku yaal waqooyiga qaarada Afrika. Kabtan Houcine Kharjah oo u saftay illaa iyo 69 kulan ayaa ah ciyaaryahanka ugu waayoaragnimada badan ee ka mid ah xulka Morocco ee ka qeybgalaya tartanka qaramada qaarada Afrika ee lagu wado inuuka dhaco dhamaadka bishan wadamada Equatorial Guinea iyo Gabon.Mid kamid ah laacibiinta ka maqan xulka dalka Morocco ayaa waxaa kamid ah laacibka kooxda Ajax Amsterdem. Xulka Morroco ayaa waxaa uu ku jiraa Group C waxana ka mid ah kooxaha ku jira guruubkaas Gabon,Niger iyo Tunisia.Goolhayeyaal: Mohamed Amsif (Augsburg), Issam Badda (FUS Rabat), Nadir Lamyaghri (Wydad Casablanca)Daafac: Jamal Alioui (Al Kharytiyath), Mehdi Benatia (Udinese), Abdelfetteh Boukhriss (FUS Rabat), Michael Chretien (Bursaspor), Badr El Kaddouri (Celtic), Abdelhamid El Kaoutari (Montpellier), Ahmed Kantari (Stade Brest), Mustapha Mrani (Maghreb Fes) Qadka Dhexe: Oussama Assaidi (Heerenveen), Younes Belhanda (Montpellier), Mbark Boussoufa, Mehdi Carcela (both Anzhi Makhachkala), Karim El Ahmadi (Feyenoord), Adil Hermach (Al Hilal), Houcine Kharjah (Fiorentina), Adel Taarabt (Queens Park Rangers)
Weerar: Nordin Amrabat (Kayserispor), Marouane Chamakh (Arsenal), Youssef El Arabi (Al Hilal), Youssef Hadji (Stade Rennes).
| < Prev | Next > |
|---|
