Kooxda Benfica ayaa heshiiska uu kula joogayo ciyaaryahanka reer Argentine mudada u kordhisey isagoo la sii joogi doona tan iyo xagaaga sanadka 2013ka. Ciyaaryahankan ayaa la sii joogi doona ugu yaraan hal xilli ciyaareed kadib markii ay go’aansatay kooxda inay cusbooneysiiso heshiiska shaqsi ahaaneed. Benfica ayaa waxa ay heshiis la gaartay Javier Saviola kaasoo u oggolaanaya in uu laacibkan ka soo jeeda dalka Argentine uu hal xilli ciyaareed la sii joogi doono garoonka Estadio da Luz.

 

 

 

Laacibkan hore ugu ciyaari jirey kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa ku soo biirey kooxda ka dhisan Lisbon sanadkii 2009 heshiis saddex sano ah. Iyadoo kooxda fursad loo siiyey in ay hal sano ku darsan karto heshiiska. Waxana ay kooxda Benfica go’aansatay in 30jirkan uu la sii joogoSaviola ayaa ah laacibka ugu mushaarka badan ee ka ciyaara horyaalka Primeira Liga, isagoo sandkii qaata lacag dhan €5 million. 30jirkan ayaa u dhaliyey afar gool toban kulan oo uu xilli ciyareedkan u saftay naadiga Benfica .