Roma ayaa ka dalbatay inuu Daniele De Rossi qalinka ku duugo ka hor dhamaadka bishan Janaayo. Ciyaaryahanka khadka dhexe De Rossi ayaa wadahadalo uu heshiiska ugu cusbooneysiinayo kula jiray madaxda kooxda Roma ilaa xagaagii hore, iyadoo uu qandaraaskiisa dhacaya bartamaha sannadkan. Laakiin kooxda iyo ciyaaryahanka ayaa weli isku afgaran la’ mushaharka uu dalbanayo.Giallorossi ay la rumeysan yahay inay u soo bandhigtay mushahar ka agdhow mushaharkiisii hore, balse ay la socdaan lacago dheeri ah oo ku xiran qaab ciyaareedkiisa, taasoo hadii uu qaato gabi ahaanba ay isku gaareyso sannadkii 6 milyan euro.Si kastaba, waxaa la dareensan yahay in De Rossi uu doonayo inuu qaato 6 milyan euro balse aan lagu xirin lacagtaas qaab ciyaareedkiisa.

Waana wadahadalkii ugu danbeeyay ee u dhaxeeya ciyaaryahanka reer Roma iyo kooxdiisa, iyadoo agaasimaha guud ee kooxda Franco Baldini uu u sheegay IlMessaggero inay doonayaan inuu De Rossi si dhaqso ah mowqifkiisa u cadeeyo si ay uga tashtaan ma ugu tashtaan.“Dhamaadka Janaayo waxaan ka filaneynaa labada jawaabood midkood. Intaas ka badan wadahadal ma sii wadi karno” ayuu yiri. Roma ayaa dooneysa inay ciyaaryahanka iska iibiso bishan Janaayo hadii uu aqbali waayo qandaraaskooda, si ay uaga fogaadaan inay si bilaash ah uga tago xagaaga.