JSN Talaado 2012-01-03: Gegida diyaaradaha soo caga dhigtaan ee magaalada Amsterdam ee Nederland ee loo yaqaan Schiphol ayaa gashay booska afaraad ee gegooyinka diyaaradaha ee Yurub oo ay horay u haysatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Madrid ee Spain.

 

Gegida diyaarada Schiphol Amsterdan 2011 Waxaa gegidaan diyaaradaha soo cagadhigtaan kasoo dagay diyaarado dhan 420.245 diyaaradood,   halka xamuulka  maray gegida diyaaradahana uu dhamaa 15.5 tan oo xamuul ah.

Waxaa isticmaalay rakaab dhan 49.8 malyuun. Khadka ay u duusho shirkada diyaaradaha ee KLM Air France oo horay u ahayd 301 magaalo ayaa waxaa ku soo biiray 12 magaalo oo hor leh.  Schiphol Amsterdam waxaa ka horeeya oo kaliya gegooyinka diyaaradaha ee London, Frankfurt iyo Paris Faransiiska.